Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista oo sheegtay in ay si rasmi ah u Bilaabeen Ololihii lagula dagaalamayey Dadka Xaaranta kariya


Hargeysa (SLpost)- Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista  ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in si rasmi ah u bilaabeen ololihii ay bisha ramadaan kula dagaalami jireen xarumaha lagu kariyo xaaraanta, iyaga oo sheegay in guud ahaan  magaalooyinka Somaliland ka fulinayaan ololahaasi, Sidaasi waxay ku sheegen shir jaraa’id oo ay ku qabteen maanta xaruntooda magalada Hargeysa.

Guddomiye ku-xigeenka Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Xaaji Cawil Xuseen Cali oo ugu horeyn shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Walaalayaal Bishii Ramadaan ayeynu galnay, waxaynuna u baahanahay in aynu kawada shaqayeno sidii wixii Xun oo dhan ula dagaalami lahayn iskaga kaashano, sidaasi darteeda Guddidu waxay ka hawlgashaa Gobolada Somaliland oo dhan iyo Caasimada, waxa ay gudidu tageero ka heshaa waa Dadweynaha iyo Booliska aad ayey u mahadsan yihiin, waxa kasta oo Xumaan sameynaya iyagaa noo soo sheega.”Ayuu yidhi Xaaji Cawil.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxaanu maanta si rasmi ah u bilaabnay Ololihii aanu kula dagaalamaynay Dadka Cadeeysta bisha Ramaadan in ay Meelahaasi ku kariyaan Rashinka Xaaranta, sidaasi daradeed waxanu hawlgalkii maanta ka biloownay Xarunta Doox Hargeysa oo ahaan jiray meelaha ugu badan ee Xaranta lagu kariyo, runtii hawlgalkayagaasina si fiican ayuu u soo dhamaaday.”Ayuu yidhi

Guddomiyaha Hawlgalinta iyo  la Dagaalanka Fawaaxishka Cumar Xaashi Guuje oo isaguna shirjkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa Waxa uu Tilamaamay in Hawlagalada Meelaha ugu badan ee ay ka fuliyaan ay tahay Dami, Fooqa Jajabka, Dooxa Hargeysa, iyo Xarunta Xisbiga iyo Goobo kale oo badan, Waxanu sheegay in hawlgalkoodu uu socdo Ilaa Wakhtiga uu Waagu baryo ilaa Salaada Casar, waxaanu Bulshada reer Somalialdn ka codsaday in ay la soo xidhiidha haddii ay Arkan Goobo Lagu karinayo Xaaranta.

SOMALILAND POST.NET