Guddida Tacliinta Sare oo sheegay inaan dalka laga furi karin Jaamacad aan la Xaqiijin Tayadeeda Waxbarasho

[H]argeysa, (SLpost)- Guddida Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa sheegay inaan dalka laga furi karin jaamacad dambe oo aan jaamacad aan ka diiwaan gashanayn xafiiska guddida tacliinta sare, iyaga oo sidoo kale sheegay inay daba-gal iyo qiimayn ku samayn doonaan Jaamacadaha dalka si loo hubiyo tayadooda aqooneed.

Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland waxa ay sidaas ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xaruntooda Magaalada Hargeysa, iyada oo tallaabadan ku micneeyey mid lagu xaqiijinayo tayada aqooneed ee jaamacadaha dalka la furayo.

Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo sheegay in aan dalka dib looga furi karin jaamacad aan fasax ka haysan Xafiiska Guddida Tacliinta Sare ee dalka, isaga oo intaas ku daray in go’aankani wax weyn ka tarayo mid ay guddi ahaan kula soconayaan heerarka Aqooneed ee jaamacadaha dalka laga furayo.

Waxa guddoomiyuhu ku wargeliyey cid kasta oo oo doonaysa in ay jaamacad furto ay lasoo xidhiidho xafiiska guddida si loo qiimeeyo heerka aqoonta ay doonayaan inay u gudbiyaan bulshada iyo manaahiijta ay bixinayaan, waxaanu Prof. Saleebaan sidoo kale ku tilmaamay tallaabadaas mid lagu toosinayo Tacliinta Sare ee dalka iyo Hannaanka waxbarasho ee nidaam ahaan ay jaamacaduhu bixiyaan.

Waxa sidoo kale halkaas ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Fulinta ee Gudida Tacliinta Sare Aaden Xaaji Baxnaan oo sheegay in guddi ay ahaan ay dabagal iyo qiimayn ku samayn doonaan heerarka aqooneed ee laga bixiyo dhamaan jaamacadaha dalka, si loo hubiyo loona ogaado tayada aqooneed ee Jaamacadaha dalku ay bixiyaan , islamarkaana laysla saxo wixii loo arko in dib u sixid lagu sameeyo.

Dr. Siciid Axmed Xasan oo ugu dambayntii shir-saxaafadeedkaas ka hadlay, ayaa qorshahan ku micneeyey mid lagu horumarinayo horumarinayo Waxbarshada Sare ee dalka oo dalka Qiimo weyn ugu fadhida.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net