Guddida Qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo hogaan rasmi ah doortay goor dhaweyd

Hargeysa(SLpost) Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa kulan ay goordhaweyd magaaladda hargeysa ku yeesheen ku doortay hogaanka Rasmiga ah ee hagi doona hawlaha qaban qaabada kuwaas oo kala ah Guddoomiye, ku-xigeen, Xoghaye iyo Af-hayeen.

Guddidi waxay Guddoomiye u doorteen Abuubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiy ku-xigeen Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.

Fadhiga lagu doortay xubnahan hogaanka guddida qaban qaabada Shirweynaha oo ay ka soo qayab galeen shan iyo toban Xubnood waxa guddoominayay xubinta ugu da’da weynayd oo ahaa Yuusuf Guruje.

p1 p2 p3 p4

Yuusuf Guruje ayaa xaadiriyay xubnaha u tartamayay jagooyinka waxaanu cod gacan taag ah galiyay doorashadooda iyadoo mid mid loogu codeeyey afar iyo toban xubnood.

Xubnaha la doortay ayaa ku guulaystay aqlabiyadda codadkii shan iyo tobanka ahaa iyada oo aanu marna Guddoomiye Guruje codaynin waxaanu mid kastaa ku Ansaxay sidaasi.

Guddoomiyaha la doortay Abuubakar Xaamud Jibriil ayaa isla goobtii ka hadlay waxaanua mahadnaq balaadhan ujeediyey xubnihii ka soo qayb galay fadhiga lagu doortay xubnaha hogaanka ah isagoo balan qaaday xilka loo dhiibay in ay uga soo bixi doonaan sida ugu haboon.

Xubnaha Guddida qaban qaabada ee fadhiga doorashada ka soo xaadiray waxay kala ahaayeen:-

  1. Farax Faarax Cali
  2. Saleebaan Cawad (Bukhaari)
  3. Fu’aad Maxamed Cumar
  4. Yaasiin Maxamed Cabdi
  5. Abuubakar Xaamud Jibriil
  6. Sahal Maxamed Jaamac
  7. Cismaan Garaad Soofe
  8. Maxamud Axmed Saalax
  9. C/risaaq Waaberi Rooble

10.Mustafe Faarax Dhoore

11.Cali Obsiiye Diiriye

12.Yuusuf Nuur Maxamed

13.C/raxmaan Maxamuud Carraale

14.Dr: Cumar Cilmi Dixood

15.Amaal X Axmed Miisaan.

Somalilandpost.net

Hargaysa