Guddida Ka-Soo-Kabashada Abaaraha oo maanta ku kulmay Madaxtooyada iyo Warbixinno laga dhegaystay Xubno Ka Mid ah

Hargeysa (SLpost)- Guddiga ka-soo-kabashada Abaaraha ee dhawaan madaxweynuhu magacaabay, ayaa maanta kulan ku yeeshay madaxtooyada, waxaana halkaas warbixinno lagaga dhegaystay xubno ka tirsan Guddiga oo isku soo dubba-riday tallaabooyinka ay qaadeen iyo hiigsiga ay rejaynayaan.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, kaas oo lagu faahfaahiyey nuxurka kulankaas iyo waxyaabihii lagu soo qaaday.

099A5000War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Guddida ka soo kabashada abaaraha oo weli ku gudo jira dedaalkoodii qaadhaan ururinta ayaa kulan ku yeeshay maanta oo ay taariikhdu tahay 01.06.2017 madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu kulankaasi daba socday kulamadii hore ee guddidu sida joogtada ah marwalba ugu kulmi jireen qasriga madaxtooyada.

Haseyeeshee kulankani waxa uu kaga duwanaa kuwii hore, waxay guddidu xubno ka mida ka dhegeysteen warbiximo muhiima oo la xidhiidha sida ay u socoto qaadhaan ururintu dalka gudihiisa iyo dibedaba.

099A5032Waxaana halkaasi warbixin muhiima ka soo jeediyey  Xasan Axmed Yuusuf oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda qurbajoogga Mofa, oo isagu soo bandhigay sida ay qaadhaanka isaga ururiyeen jaaliyadaha reer Somaliland ee yurub ku dhaqan, taasi oo muujisay sida loogu tartamayo in jaaliyad walba ay kaalin muuqata ka ciyaarto qaadhaanka ka socda gudaha iyo dibeda dalka, iyadoo guddiduna uga mahadnaqday sida ay isu xilqaameen ee ay u dedaaleen in kasta oo lagu kala horeeyo ilaa hadda dhinaca tartanka qaadhaan ururinta marka laga hadlayo yurub, waxaanay u soo jeediyeen jaaliyadaha ku dhaqan yurub ee sida weyn isha loogu hayo in aanay is dhigan ee ay dedaalkooda si kordhiyaan madaama oo waddamo aan la filaynin ay hoggaanka u hayaan gaadhaan ururinta kuwii la tuhunsana ee la filayey inay iyagu hormuudka u noqdaana ay hooseeyaan.

099A5002Sidoo kale waxay guddidu fariin u dirtay cid kasta oo ku yaboohday qaadhaanka inay xil gaara iska saaran oo ay ku soo bixiyaan sida ugu haboon kuna soo hagaajiyaan Akoonadan (Accounts).

  • BAANKA DHEXE: 880
  • DAHABSHIIL: HRGD60618
  • ZAAD: 4000101
  • E-DAHAB: 9444822

Ugu danbayntiina waxay guddidu waxay dardaaran iyo fariimo u sii dhiibeen xubno ka mida guddida oo iyagu safar la xidhiidha hawsha qaadhaan ururinta ugu bixi doona beri oo jimce ah imaaraadka carabta iyo kuwait sidii ay horeba u shaaciyeen guddidu, jaaliyadaha ku dhaqan dalalkaana waxa loogu baaqayaa inay guddida la shaqeeyaan inta ay la joogaan oo ay kaalintooda ka soo qaataan qaadhaan ururinta.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeeka.