Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka oo la Kulmay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

 

Hargeysa(SLPost)- Guddida Ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka oo dhawaan kormeer dheer oo indho-indhayn ah ku soo maray sagaal gobol oo ka mid gobolada iyo degmooyinkooda, ayaa imika bilaabay in ay ku soo noqdaan caasimadda islamarkaana waraystaan wasiiradda kuna soo jawaab celiyaan oo ay uga waramaan wasaaraddaha sida ay waaxahooda goboladu u shaqeeyaan, ilamarkaana wasiirada kala tashadaan warbixinta ay hor keenayaan golaha guurtida.

 

Guddidan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil isla markaana ka waraystay qaab-shaqaynta wasaaradda isla markaana ay la wadaageen wixii ay ku soo arkeen waaxaha wasaaradda ee gobolada.

 

Halkan Ka Daawo Warkaas oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=sjSe6g8WApA&feature=youtu.be