Guddida Horumarinta Degmada Tog-Wajaale oo Ganacsatada iyo Qurbo-Joogga Gobolka Gabiley ugu Baaqay inay Ka Qayb-qaataan Dhismaha Jidadka Wajaale

Tog-Wajaale, 28 March, 2012 (SLpost)- Guddida Horumarinta iyo Dib u Dhiska Jidadka iyo Mashaariicda Degmada Tog-Wajaale laga wado xiligan ayaa markii ugu Horaysay Baaq Culus u diray Guud ahaanba Ganacsatada Somaliland Gaar ahaan Ganacsatada Tog-Wajaale iyo Qurbo Jooga ka soo Jeeda Gobolka Gabiley, baaqaas oo ay kaga dalbanayaan inay kala qayb qaataan dib u dhiska Jidadka Gudaha Magaalada laga wado wakhtigan taas oo qayb wayn ka ah sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii Gaadiidka Xamuulka ka haysatay Jid Xumada ka jirtay Gudaha Magaalo Ganacsiyeedda Tog-Wajaale, iyo waliba Mashaariicaha kale ee dhinacyada horumarinta Adeegyada Bulshada.

Guddida horumarinta Degmada Tog-Wajaale oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda ku yaala Magaalada Tog-Wajaale ayaa waxay u soo Jeediyeen dhinacyada ay baaqan u direen in ay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhakhsaha badan looga hawl galo Hawsha dhismaha Jidadka gudaha Magaalada Tog-Wajaale oo hadda la bilaabay Wajigii Koowaad oo dhamaaday iyo kii Labaad oo bilaabmay si looga Gaashaanto Dhibaatadii iyo Mushkiladii halista u ahayd Jid xumada ka jirta gudaha Magaalada Tog-Wajaale islamarkaana, Faro ba’an ku haysay Dadka iyo Gaadiidkaba xiliga Gu’ga, iyadoo Gaadiidku si fudud ugu Rogman Jiray Badhtamaha Magaalada dhibaatada ugu culusina ka soo gaadhi jirtay Haweenka iyo Dadka Waawayn oo kala kulmi jiray Jabis iyo Dhibaatooyin Caafimaad oo Saamayn adag leh.

Guddoomiyaha Gudida Horumarinta Degmada Tog-Wajaale isla markaana ah Maamulaha Shirkada Isgaadhsiinta Telesom Wajaale Yuusuf Maxamed Xasan (Yuusuf-Cali), oo ugu horayn Shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay Hawsha Horumarinta Degmada Tog-Wajaale si rasmi ah u bilaabeen gaar ahaana Dhismaha Jidadka ee wakhtigan socda, sidoo kalena Shirkoogan Jaraa’id ay Baaq Culus ugu dirayaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Guud ahaanba Ganacsatada Somaliland Gaar ahaan Ganacsatada kala duwan ee degan bogcada Tog-Wajaale iyo waliba Qurbojooga Gobolka Gabiley in Qof waliba Xil iska saaro soona ajiibaan baaqooda, isla markaana Qof waliba kaga qayb qaato wixii taageero ah ee uu kaga qayb galayo Tallaabadani.

Guddoomiyaha Ganacsatada Tog-Wajaale Cabdilaahi Nuur Ismaaciil (Cabdilaahi Dhako) oo isaguna Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Ganacsatada Tog-Wajaale diyaar u yihiin ka qayb qaadashada dhismaha Jidadka gudaha Tog-Wajaale oo dhibaato xoog lihi ka jirtay, islamarkaana, uu u soo jeedinayo in ay sida ugu dhakhsaha badan ay u bilaabaan Hawshaasi dhinacooda.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland