Guddida Heer Qaran Ee Xuquuqal Insaanka iyo Masuuliyiin kale Oo Madaxweynaha hortiisa Lagu Dhaariyey iyo Nuxurka Dardaaran Faraqa Loo Sudhay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Xubnaha guddida heer qaran ee Xuquuqal Insaanka qaranka oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

DHAARTA GUDDIGA (2)Ma jirin wax warbaahin madax-bannaan oo goob-joog ka ahayd goobta lagu dhaariyey Guddiga oo ahayd Aqalka Madaxtooyada, haseyeeshee, war-qoraal kooban oo saxaafadda loogu talo-galay ayaa lagu sheegay in Dhaarta kaddib uu madaxweynuhu halkaas hadallo dar-daaran iyo dhiirri-gelin ah uga jeediyey xubnaha la dhaariyey.

DHAARTA GUDDIGA (3)War-qoraalka kooban ee ka soo baxay madaxtooyada, waxa lagu sheegay in madaxweynuhu Guddiga kula dar-daarmaan sidii ay dhex ugu noqon lahaayeen Shacabka iyo dowladda.

“Hay’adaha dawladda qaar badan buu dastuurku ku waajibiyey dhaar, insha Allah dhaartaas ayeynu ku wada dhaqmi doonnaa, dhammaanteenna waa la ina wada dhaariyey, Ilaahay waxan ka rajaynayaa, dhaartaasna aynu ku dhaqanno, waxa inoo ballan ah dawladda iyo dadka dhex baad u ahaan doontaan, dawladda loo eexan maayo, annaguna waanu dacwoon karnaa, cidna dulmi maynee xaq baynu ilaalinaynaa iyo sharciga,” Sidaasa ayuu madaxweynuhu u sheegay guddiga, sida lagu sheegay war-qoraalka ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha.

DHAARTA GUDDIGA (1)Waxa kale oo halkaas lagu dhaariyey masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Horumarinta biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo muddo 9 bilood ah xilka hayay iyo Ku-xigeenka hanta-dhawraha Guud ee Qaranka Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash oo dhawaan la magacaabay.

Sida lagu sheegay war-qoraalka madaxtooyada, Qodobka 129-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waajibinaya dhaarta distuuriga ah ee la mariyo masuuliyiinta qaranka xilalka muhiimka ah u haya, waxana xubnahani ay maanta waafaqeen tilmaaha uu qodobkaasi waajibinayo.

SOMALILANDPOST.NET