Guddida Doorashooyinka oo sheegay inay Bilaabeen Ambo-bixinta Agabka doorashooyinka

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi Geelle ayaa maanta shaaca ka qaaday inay bilaabeen ambo bixinta agabkii doorashada si loo gaadhsiiyo Goobaha Codbixinta ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Afhayeenka Komishanku waxa uu cadeeyay inaanay jirin wax Gudidooda qabyo ka ah isla markaana ay wax waliba ugu socdaan sidii loogu talo galay.

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu ka hadlay darawaliin ay komishan ahaan xidheen kuwaas oo uu ku sifeeyay qaar khal khal gelin ku ahaa nidaamka ay hawsha u wadaan isagoo xusay in darawaliintan oo ah kuwa Basasku ay jaha wareer ku rideen ardaydii jaamacadaha gaar ahaan kuwa komiishanka u qaabilsan Gobolka Sanaag oo gaadiidkii ay Gudida Doorashooyinku u diyaariyeen kuwo ka duwan oo basas ah rabeen inay ku qaadaan.

Waxaa kale oo Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Maxamed Axmed Xirsi Geelle uu kula dardaarmay Guud ahaan Shacabka Somaliland in iyagoo og cadawga badan ee dalkani leeyahay ay dhinacyada ka taagnaadaan nabad galyada Guud ee Qaranka wixii dhaawacaya.

SOMALILANDPOST.NET