Guddida Doorashooyinka oo Shaaciyey Jadwalka Kala-horeynta Ololaha iyo Shuruudaha Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Komiishanka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaqay Maalinta iyo Waqtiga ay bilaabmayaan olalaha doorashooyinka Golayaasha Deeganka iyo Sida ay u kala horeeyaan Ururada Iyo Xisbiyada ka qayb qaadanaya doorashada dalka ka qabsoomi doonta 28 bisha Novenbar 2012.

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Afhayeenka Komishinka Mudane Maxamed Axmed Geele oo shir jaraid ku qabtay xarunta komiishanka ee Caasimada Hargaysa  ayaa ku dhawaqay jadwalka ururada iyo xisbiyada ay ku soo bandhiga- yaan baraamijyadooda iyo siday u kala leeyahiin maalmaha ololaha  doorashada ee  gobolada dalka oo dhan .

Afhayeenka ayaa sheegay in xisbiyada iyo ururradu ay u kala horenayaan sidii loogu qori tuuray ,isla markaana ay Ololaha ku gelayaan qaabkan.

  • 29/10/2012 Ururka Ummada
  • 30/10/2012 Xisbiga UCID
  • 31/10/2012 Xisbiga Kulmiye
  • 1/11/2012   Ururka Dalsan
  • 2/11/2012   Ururka Rays
  • 3/11/2012   Ururka Waddani
  • 4/11/2012   Ururka Xaqsoor

Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranku waxa kale oo uu u soo jeediyey ururada iyo xisbiyada ka qayb qaadanaya doorashadan inay  ilaaliyaan amniga qaranka inta lagu guda jiro ololaha doorashada golaha deegaanka,waxaa kale oo uu intaas ku daray inay sameeyeen gudida daba galka iyo anshaxa oo jaan goynaysa in Ururada iyo Xisbiyadu  ay ku dhaqmayaan nidaamka anshaxa doorashada ee ay saxeexeen iyo inay si siman barnaamijyadooda uga gudbiyaan Warbaahinta Dawlada.

Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Maxamed Axmed Xirsi Geele waxa uu ka dalbaday Mas’uuliyiinta Xukuumadu in hantida guud ee la wada leeyahay aanay si gaar ah uga faa’iidaysan isagoo xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu Wareeegto ka soo saaray amuurtaas.

Ururada Siyaasadda iyo Xisbiyada ka qayb qaadanaya doorashada golayaasha deegaanka ayaa mid kastaaba waxa la siiyay afar maalmood inuu bulshada ugu gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net