Guddida Doorashooyinka oo Dib u Dhigay Natiijada Codbixinta Degmada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta daboolka ka qaaday inay hakiyeen natiijadii ku meel gaadhka ahayd ee ka soo baxday doorashadii Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa isla markaana sheegay In Dib Loo Tirin Doono Natiijadda Codbixinta Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Ka Qabsoontay Magaaladda Hargeysa..

Guddoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari) waxa uu faahfaahin ka bixinayay shir ay maanta wada yeesheen Gudida Doorashada iyo Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada,Marka laga reebo Urur Siyaasadeedka Xaqsoor, waxaanu sheegay Gudoomiyuhu  In  iyagoo tixgalinaya Cabashooyin ka yimi Ururada Iyo Asxaabtii qaar ay ku celin doonaan Hubinta  Tirinta Codadkii Laga Dhiibtay Caasimada Hargaysa.

“Komiishanka doorashooyinka Qaranka ee xarunta dhexe waxa uu go’aan ku gaadhay maanta in la eego oo laga debba taggo, wixii laga qaban karana laga qabto hakadna wuu saaray natiijadda ay ku dhawaaqeen ee degmadda, goobihii laga cabanayeyna dib bakhaarkii loo furo oo la iskula eego, si tabashadaasi loo debaalo si aan dhiig dambe u sii daadan,” ayuu yidhi Guddoomiye Xamari.

“Xisbiyadda waanu iska aragnay way ku qanceen waana Hargeysa meesha lagu noqonayaa, umana malaynayo in wax badan iska bedali doonaan sida ay hadda ururadu iyo xisbiyadu wax u kala heleen sida aan xogta ku hayno, markaa waxaanu qancinaynaa ururadda iyo axsaabta si tabashada loo wadda daboolo,” ayuu intaas hadalkiisa ku daray Eng Yuusuf Ciise.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net