“Guddida Diwaangelinta In La Soo Mariyo Dacwaddu Waa Waajib, Waanan U Tageyna” Axmed Muumin Seed

Hargeysa (SL.Post) Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed oo ka biyo-diiday Habka loo maamulay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbigaasi oo lagu doortay Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga uga qayb-galaya Doorashada Madaxtooyada ee Sannadka dambe horraantiisa Dalka ka dhacaysa, ayaa ka hadlay Dacwad uu arrintaasi ku saabsan oo uu u gudbinayo Guddida Diwaangelinta Ururrrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

img_2611ac-77aee7-e036fd-604fef-ca2f25-84756a

Axmed Muumin Seed oo Wargeyska HIMILO Khadka Telefoonka ku waydiiyey in Dacwadda ka dhanka ah habkii loo maamulay Shirka Golaha dhexe ee WADDANI ee uu hore u shaaciyey uu u gudbinayo Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda, maaddaama oo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sheegay in aanu qabanaynin haddaanu soo marin Guddidaasi, ayaa ku jawaabay, “Guddida Diwaangelinta in la soo mariyo Dacwaddu waa waajib, waanuna u tageynaa, waxaanuna u gudbinaynaa Maalmaha soo socda Markaanu dhamaynno Hawlo aanu Gacanta ku hayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey inay Dacwadda qayb ka tahay Lacag Konton kun oo dollar ah oo laga qaaday Musharraxiinta uu ka midka ahaa ka hor tartanka, maaddaama oo uu saluugay habka loo maamulay Shirka Golaha dhexe ee lagu soo dooranayey Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI, “Wax Lacag ah oo aan imika ku dacwiyayaa oo aan leeyahay hala i siiyo ma jirto. Lacagtu waxay ahayd Konton kun oo dollar, waxayna ku jirtay Shuruudda Musharraxiinta, inkastoo sidii aanu ku ballannay ee Cadaaladda ahayd aanay wax u dhicin, markaa Lacagtaa ma daba soconno oo wax ka weyn baa dhacay oo Shirkii Golaha dhexe ayaa la afduubay.”

Axmed Muumin Seed, waxa kale oo uu ka hadlay Ergooyin uga yimid dhinaca Xisbiga WADDANI ee uu cadhada kaga maqan yahay, “Haa..Ergooyinku way jiraan imikaba waxa ila jooga Xoghayaha Cadaaladda (Xalay), markaa Ergooyinku way ii imanayaan, laakiin illaa hadda waxay igu qanciyeen ma jiro, Waayo? Anigu waxaan u arkayaa in Shirkii Golaha dhexe la afduubay, waxaan ku qanci lahaa in lagu Celiyo Doorashadii Golaha dhexe, haddii la igaga adkaado waan qaadan lahaa Go’aanka soo baxa. Dadka codeeyay Shirka Golaha dhexe waxay ahaayeen Dad Suuqa laga soo ururiyey, Shirkana waxay ku galeen Waraaqo Cadcad oo lagu qoray ‘Somaliland’ lana Shaambadeeyay, waanuna haynaa oo waanu soo bandhigi doonaa.”

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee WADDANI wuxuu sheegay in Shuruudda ugu weyn ee uu ku qanci karaa tahay in dib loo qabto Shirka Golaha dhexe, waxaanu yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya, “Aniga waxa ii muhiim ah in Xisbiga Jidka saxda lagu soo celiyo, Waayo? Xubnaha Golaha dhexe waxay ahaayeen 451, haddana waxa la yidhi waxay ahaayeen 629 iyo 178 xubnood oo dibadda ka joogay Shirka, Anigoo Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga ah waxaas oo dhan War umaan haynin, 24-kii Saacadood ee Shirka ka horeeyayna Xidhiidhka Aniga iyo Guddoomiyuhu wuu kala go’ay oo Telefoonka igamuu qabanin, iimana soo jawaabin, markaasina waxay ahayd markii la khalkhalinayey Shirka Golaha dhexe.”

 

Mr. Seed oo mar kale la waydiiyey in Shuruudda uu wato ee ku qancayaa tahay in Shirka Golaha dhexe mar kale la qabto, ayaa ku jawaabay, “Haa..(Waa in Shirka Golaha Dhexe mar kale la qabto)..”

Axmed Muumin See, wuxuu soo dhaweeyay hadal uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ku sheegay inuu taageersan yahay Garabka Toosinta WADDANI ee uu Axmed Muumin Seed ka yahay Guddoomiyaha, “Siciid Cilmi Rooble mar walba wuxuu u hiiliyaa Cadaaladda, markaa inuu garabkayaga ku soo biirayo aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa.” Ayuu yidhi.

 

Somalilandpost.net