Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo Hoggaan doortay

Hargeysa, (SLpost)- Guddida diiwaangelinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay doortay xubnaha Hogaanka Guddigooda oo ka kooban guddoomiye iyo gudoomiye ku-xigeen, Xoghaye iyo Afhayeenka guddiga.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo Guddidani soo saareen waxay ku sheegeen inay  Guddoomiyaha Gudida u doorteen  Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), Guddoomiye ku- Xigeenna  ay u doorteen  Aadan Geedi Qayaad.

Xoghayaha Guddida waxaa loo doortay Cumar Xasan Axmed, halka Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda loo doortay Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin).

Waxa kale, oo Qoraalkan lagu sheegay in xubnahan Hogaanka ah lagu doortay si waafaqsan Xeerarka Qaranka iyo Xeer- hoosaadka Guddidan.

Toddobaada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayay magacyadoodu kala yihiin:

1-       Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)

2-       Aadan Geedi Qayaad

3-       Cumar Xasan Axmed

4-       Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macallin)

5-       Maxamed Cabdimaalik

6-       Ismaaciil Cabdilaahi Cali

7-       Cabdalle Ibraahim Maxamed

SLpost News Desk

somalilandpost [at] yahoo.com