Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka oo Soo Bandhigay Warbixin ku Saabsan Gudashada Waajibaadka Shaqo ee Hay’addaha Dawladda

Hargeysa(SLpost)- Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee golaha wakiillada Somaliland ayaa munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa waxay ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan heerka maamul daadajinta hay’addaha dawladda iyo shaqooyinka iyo lacagta miisaaniyadda wasaaraddaha ugu jirta gobolada iyo degmooyinku siday u fulaan taasi oo ka soo baxay kormeer ay gudidu ku soo martay gobolada iyo degmooyinka dalka.

 

Warbixintan oo ah tii afraad ee gudiddani soo saarto ayaa waxaa laf dhabar u ah xogaha laga helay isuduwayaasha wasaaraddaha u jooga gobollada oo warbixino ku saabsan xaqiiqda shaqo iyo dhaqaale ee gaadha gobollada iyo degmooyinka siiyay guddida. Guddidu waxay kormeer ku soo martay gobollada iyo degmooyinka, waxayna haatan soo bandhigtay xaqiiqada ay kala soo kulantay.

 

Warbixinta ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray sida ay wasaaraddaha dalku xafiisyo ugu leeyihiin gobollada iyo degmooyinka, sida ay u haystaan gaadiid iyo kaabayaasha shaqooyinka ay bulshada u hayaan.

 

Warbixintan gudidda oo ka kooban 69 bog ayaa waxa ka muuqda in la galiyey wakhti iyo dadaal islamarkaana ay ku qoran tahay xoggo rasmi ah oo ay gobolada iyo degmooyinka dalku ku faahfaahsan yihiin. Waxa ay tani muujinaysaa sida ay Jamhuuriyadda Somaliland heegan ugu tahay una dardargalinayso wadada horumarka ee ay hayso.

 

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi “Obama” oo ah guddoomiyaha gudida dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranka ee aqalka wakiiladda ayaa halkaa ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo kormeerkii ay gobolada ku soo mareen iyo warbixinta ka dhallatay ee ay maanta soo jeedinayaan.  “Kormeerku waa 9 cisho ah aannu ku soo maray 9 gobol, socdaal adag buu ahaa. Wasaaradda Waxbarashada ayaa wanka u gashay 22ka wasaaraddood”

 

Halkan Hoose ka Daawo Diyaarinta Gudidda iyo soo Bandhiggidda Warbixinta  oo Muuqaal ah:

 

https://www.youtube.com/watch?v=Hlad7mYl-Rw