Guddida Cadaaladda oo Isku-shaandheyn iyo Magacaabis ku Sameeyay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Qaarkood

Hargeysa (SLpost)- Gudida Cadaalladda Somaliland ayaa maanta isku shaan-dheyn balaadhan ku sameeyay Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Goboladda galbeedka oo ay isku bed-bedaleen.

Waxa sidaas lagu sheegay digreeto uu maanta soo saaray Wasiirka Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, waxaanay digreetadaasi u dhignayd sidan:

Xuseen Axmed Caydiid1. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo hore u ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.

2. Gudddoomiyihii Rafcaanka Saaxil, Cali Suudi waxa laga dhigay Garsoore maxkamadda Rafcaanka Hargeysa.

3. Guddoomiyihii Maxkamadda degmadda Hargeysa Cabdirashiid Beer-geel waxa laga dhigay gudoomiyaha Maxkamadda Degmadda Gabilay, waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid.

4. Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Gabilay Feysal Cabdilaahi (Dega-dago) waxa uu noqonayaa Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex.

5. Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex Cabdirashiid Durraan waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Maroodijeex.

6. Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin waxa laga dhigay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.

7. Guddoomihii maxkamadda gobolka Awdal Cabdiraxmaan waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.”

Waa markii koowaad ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  isbeddel sidan u ballaadhan ku samayso Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, in kasta oo dhowr jeer oo hore isku beddel lagu sameeyey Garsooreyaasha ka hawl-gala Maxkamadaha kala duwan ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET