Guddida African Nations Cup UK Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ee London

London, (SLpost)- Guddida qabaqaabineysa koobka kubbadda cagta Africa ee UK ayaa booqasho sharafeed ugu yimid Safiirka Somaliland ee UK mudane Cali Adan Cawale. Guddida oo sidda Cup-ka ayaa Xafiiska safaaradda soo booqday shalay khamiistii, halkaas oo ay si dirran ugu soo dhoweeyeen shaqaalaha Safaaradda iyo Safiirku.African Cup

Guddida oo uu horkacay agaasime Daniel Lutaaya ayaa safiirku u keenay casuumad ay kaga dalbadeen inuu goob joog ka ahaado munaasabadda furitaanka Cayaaraha African Cup of Nations maalinta sabtida ee bisha May tahay 30keeda.

Mudane Lataaya ayaa safiirka uga warramay sida ay ugu faraxsan yihiin ka qayb galka Somaliland ay

sannadkan ka mid noqotay kooxaha Africa ee sannadkan u tartamaya koobka.

Safiirka Somaliland mudane Cali Adan Cawale ayaa dhiniciisa uga mahad celiyey mareeyahaha iyo guddida hagaysa cayaaraha sannadkan ee African Nations Cup booqashada ay ku soo sharfeen iyo soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabbileen ka qayb galka Somaliland. Safiirka ayaa aqbalay casuumadda kana ballan qaaday inu taageero buuxda siin doono guddida Africa Cup of Nations isla markaana u rejeeyey guul guud ahaan cayaaraha sannadkan, gaar ahaanna kooxda xulka Somaliland ee ka qayb geli doonta cayaaraha.

Cayaaraha Africa Nations Cup ayaa ka furmaya West Ham memorial Ground 30 May 2015, iyadoo ay ka qayb geli doonaan tartankaasi kooxo kakala socda wadamadda badan oo caalamka ah.

ALLAA mahad leh.