Guddi Dhalinyaro Isu-xil-saaray xalinta khilaafka Maxkabadda Gaandi oo faahfaahiyey qaabka ay u galeeb iyo sida ay ugu suurta-gashay guusha laga gaadhay Hanashada Maktabaddaas

Hargeysa (SLpost)- Xubno ka tirsan hoggaannada Ururrada Dhalinyarada, Naadiyada Akhrista, Ururrada Qoraalka, Aqoonyahan Isku xil-qaamay Xal-ka-gaadhista Xiisad ka taagnayd Maktabadda Gaandi ee magaalada Hargeysa, ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahadceliyey go’aanka uu ka qaaday dib u furista maktabadaas oo dhowr maalmood la xidhay, ka ib markii ay soo baxday in dawladdu ganacsade reer Somaliland ku wareejisay goobta maktabaddu ka dhisnayd.

sssGuddiga Dhalinyarada ka hawlshaysa xalinta khilaafkaas, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku faahfaahiyey qaabka ay hawshaas u galeen iyo siday ugu suurtogashay in madaxweynuhu soo saaro lagu joojiyey bixinta Maktabadda Gandi ee oo ah Maxkatabadda Kaliya ee ku taala magaalada Hargeysa.

War-murtiyeedkaas oo ay ku saxeexan yihiin xubnaha guddigani ka kooban tahay ayaa u qornaa sidan: “Horraantii toddobaadkan waxa albaabbada loo laabay maktabadda Gaandi eek u taalla Hargeysa. Warar ku lammaanaa baa sheegayey in xarunta ay ku taallo maktabaddu la iibiyey, sidaa daraaddeed maktabadda loo xidhay. Arrintu waxa ay dareen xooggan ka dhex dhalisay dhallinyarada reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaan intii ku xidhnayd eek u adeegan jirtay.

Barbulsheedyada ayey boqollaal dhallinyaro ah oo kal gaddisani dareenkooda ku cabbireen, kuna muujiyeen sida ay uga gadoodeen falka xidhitaanka maktabadda kali ah eek u taallay Caasimadda.

Dhibaatada iyo Cabashada:

Isku darka cabashada iyo doodda aqoonyahanku waxa ay ahaayeen:

  • In Gaandi Library tahay maktabadda kali ah eek u taal Caasimadda.
  • Goob dadka oo dhan ay ka soo gaadhi karto uu ku yaallo
  • In meelaha caamka ah ee ummadda iyo mustaqbalka ba aataarta iyo xarumaha danta guud ah ay ka mid tahay.
  • In xukuumaddu ardayda/aqoonyahanka wax ay u kordhiso mooyee, aanay dib ugu soo laaban isha kali ah ee ay leeyihiin.
  • Iyo in qaar ka mid dhallinyaradu baaq muddaharaad barbulsheedyada kaga baaqeen.

Aragtida guddida iyo xal raadinta:

  • Markii aannu aragnay dareenka cabbudhsanaanta guud ahaan aqoonyahanka iyo dhallinyarada, gaar ahaan intii ku adeegan jirtay maktabadda,
  • Markii kooxo ka mid ahi muddaharaaddo warbaahinta ka iclaamiyeen,
  • Markii aannu aragnay iska war hayn la’aaanta gadoodka ardayda iyo xukuumadda

Annaga isugu jirna; Ururka Qoreyaasha Somaliland, Dalladda Naadiyada Akhriska Somaliland, Dalladda Dhallinyarada SONYO, aqoonyahan iyo hal-abuur madax bannaan, waxaa aannu go’aansannay:

  • In aannu abuurno xidhiidh habsan oo dhexmara dhallinyarada iyo xukuumadda.
  • In iyada oo aan rabshad la abuurin, faraha laga hadal, si aqoon iyo mudakarnimo ah xukuumadda talada haysa loogala xaajoodo
  • In dhallinyarada aannu u sheegno in aannu isxilqaannay oo ay ka fogaadaan qalalaase
  • In xukuumadda aannu ku qancinno muhiimadda maktabaddu leedahay, doorka ay kaga jirto koboca aqoonta iyo in ardayda dib loogu soo celiyo.

Jidkii xal raadinta:

– Wasaaradda Waxbarashada

Wasaaradda waxbarashadu in ay tahay cidda ugu mudan ee aannu dareenka dhallinyarad gaadhsiin karno ayaannu isku qancinnay. Wasiirka Waxbarashada ayaannu kulan la yeelannay maalintii isniintii 27kii Oktoobar 2014. Si wanaagsan bay noo soo dhawaysay arrintana noo la dareentay. Waxa ay sheegtay in ay arrinta gaadhsiin doonto Madaxwaynaha JSL, dib na noogu soo celin doonto wixii ka soo baxa ee go’aan ah.

Subaxdii xigtay ee bishu ahayd 28 Oktoobar 2014, baannu kulan labaad wasiirka waxbarashada la yeelannay. Noogu na bushaaraysay in madaxwaynuhu bixiyey amar ah in dib loo furo maktabadda. Isla aroortaas kulan baannu la yeelannay taliyaha ciidanka qaranka iyada oo wasiirka waxbarashadu noo suurogalisay. Aannu gaadhsiinnayna dareenka dhallinyarada iyo in keeni karto arrin amniga saamayn ku yeelata. Isaga oo taliyuhu noo sheegay in hawsha furitaanka ee Madaxwaynuhu soo amray fulinteeda uu wado.

Ugu dambayn galinkii hore, ku dhowaad salaaddii duhur ayey wasiirka waxbarashadu timid xarunta Gaandi halkaas oo dib loogu furay. Hawshiisiina dib u bilaabantay.

Mahadnaq:

Uguu horrayn waxa aannu u mahadnaqaynaa Ilaahay, noo fududeeyay hawsha aannu isu xilqaannay.

Annaga oo ah guddida isu-xilqaantay furitaanka maktabaddu, waxa aannu u mahadnaqaynaa dhallinyarada hawsha aannu galnay nagu ixtiraamay, maqlay dalabkayagii ahaa in aan farokahadal la gaadhsiin arrin miiska lagu dhammayn karo.

Waxa aannu u mahadnaqaynaa Madaxwaynaha JSL, Wasiirka waxbarashada, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Taliyaha ciidanka booliska, wasiirka arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha xisbiga kulmiye iyo dhammaan ciddii dhiirrigalin, ficil iyo tusaalayn ba kaga qaybqaatay furitaanka maktabadda.

Gunaanad

Maanta oo ay bishu tahay 29 Oktoobar 2014, dib in loo furo ayeynu ku guulaysannay. Ardayda waxa aannu ogaysiinaynaa in maktabaddu furantahay oo ay sidii caadiga ahayd u shaqaynayso.

Liiska guddida dhallinyarada ee hawsha wadday

  1. Mubaarig Ismaacii Taani, Dallada dhallinyarada SONYO
  2. Saddaam Xuseen Carab, Ururka Qoraaga Somaliland
  3. Hoodo-Ayaan Suldaan Aadan, Xarunta M.Mooge
  4. Mukhtaar Sheekh Maxamuud, Aqoonyahan
  5. Yaasmiin Maxamed Kaahin, Hal-abuur
  6. Xamda Maxamed Xuseen, Qoraa
  7. Barkhad Maxamuud Kaariye, Suxufi ahna Qoraa
  8. Axmed-Nasri Daahir Xuseen, Dalladda Naadiyada Akhriska
  9. Cabdishakuur Raage, Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Hal-qor
  10. Mahdi Sheekh, Naadiga Akhriska ee Timacadde
  11. Ibraahin Sheekh Axmed, Aqoonyahan”

SOMALILANDPOST.NET