Guddi Dhalinyaro Ah oo ku guulaysatay in Dib loo Furo Maktabadda GANDI oo saddex maalmood Quful ka laalaaday

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Maktabada Gaandi ee magaalada Hargeysa oo ay wax ku akhristaan dhalinyarada iyo aqoonyahanka wax ka barata jaamacadaha dalka, ayaa shalay dib loo furay, kaddib amar madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ku bixiyey in sideedii hore lagu soo celiyo xarunta.

sssXarunta Akhrista ee Gaandi oo Maktabadda ugu qadiimsan caasimadda Hargeysa oo la furay sannadkii 1999-kii, isla markaana ay ku xidhnaayeen dhalinyaro tiro badan oo wax ku akhrista, ayaa xukuumaddu goobta ay ku taalo iyo dhismaheeda ku wareejisay Ganacsade reer Somaliland oo loogu beddelay dhul ganacsadahaasi ku leeyahay goob kale oo sida la sheegay loogu talo-galay in dhismayaal looga sameeyo Maxkamadda sare ee dalka.

Hoggaanka Sare ee dalladda Dhalinyarada ee SONYO, Daladda Naadiyada Akhriska, Ururka qorayaasha iyo bahda Abwaannada da’da yar oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay barxadda hore ee Maktabadda, ayaa sheegay in dedaal badan ka dib ku guulaysteen in dib loo furo xarunta oo isla shalayba hawlaheeda bilowday, waxaanay sheegeen in lagu furay amar madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo bixiyey.

Waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani, Saddam Xuseen Carab oo ka mid ah hoggaanka Ururka Qorayaasha iyo Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ka tirsan hoggaanka Naadiga Akhrista Somaliland, kuwaas oo ka mid ah Guddi dhalinyaro ah oo isu-xilqaamay xal-u-helidda xiisadda ka dhalatay in xaruntan lagu wareejiyo Qof ganacsade ah.

HALKAN KA DAAWO