“Gudaha Somaliland ayaa lagu qaybinayaa Calankii Soomaaliya” – Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan ololeyaal ay dabada ka riixayaan isla markaana ka qayb-qaadanayaan dad muwaadniin ah kaas oo gudaha dalka lagu qaybinayo Calanka Soomaaliya, iyadoo qorshuhu yahay waxyeello iyo qalalaase loola badheedhayo xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May oo maalinta Berri ah looga dabbaal-degayo gobollada iyo Degmooyinka iyo guud ahaanba caalamka.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu digniin u jeediyey dhalinyaro uu sheegay inay suuqyada iyo shaaracyada caasimadda si qarsoodi ah ugula wareegayaan Calanka Soomaaliya.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE