Gorfeynta Buugga: MIISAANKA NOLOSHA – ‘W/Q: Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”

w‘Qoraallada, dhiganayaasha iyo sheekooyinka ku xardhan Af-soomaaligu waxay ahaayeen qaar soo tarmayay amma soo burqanayay sannadihii u danbeeyay.Haddaba, buugtaas iyo sheekooyinkaa iska soo daba dhacayay waxay u badnaayeen qaar ka warramaya sooyaal, suugaan iyo qisooyin gaagaaban.Haddaba, dhiganahan MIISAANKA NOLOSHU waa mid gebi ahaanba ka geddisan qoraalladii hore.  Dhiganahani wuxu guud ahaanba wax ka bildhaaminayaa laamaha kala duwan ee nolosha.  Waa buug loo qoray hab farshaxan sarraysa iyo hannaan qalin toolmoon. Aragtida koowaad ee buugga indhahaagu halacsadaanba waxay ishaadu qabanaysaa jeldiga sare ee buugga oo figta  sare kaga xardhan tahay sawir qurux badan oo ah giraanta amma kubadda adduunka oo ku sii dhex sawiran yahay miisaan isku dheellitiran, oo muujinaya in dhidibada iyo dhagaatiyada adduunku ku taagan yahay ay tahay caddaalad.  Haddii miisaankaas caddaaladu ciirana ay giraanta adduunkuna dheelliyayso.Sawirkan adduunka waxa ka hooseeya magaca bilan ee buugga “MIISAANKA NOLOSHA”.  Waxa sidoo kale dhex badhtanka buugga ku yaalla sawir qaayo iyo qiimo badan oo uu leeyahay qoraaga buugga “Abwaan Maxamed aw-Cali Cartan “Hal-deeq”  waana sawir laftiisu gudbinaya farriinta buuggu xanbaarsan yahay qayb ka mid ah.  Buuggan MIISAANKA NOLOSHU waa buug xaqiiqdii nolosha akhristaha ee ku aaddan adduunka iyo waayaha wax weyn ka beddelaya.  Waa buug aad ugu tegayso dhankasta oo nolosha laga eego.Waxa intaaba ka sii daran xigmadda, murtida iyo miida shiillan ee gudihiisa ceegaagta.Waa buug maanka kobcinaya, maskaxda carinaya, garaadka korrinaya, aqoon iyo waayo aragnimo xeel-dheerna kugu soo biirinaya, Adduun araggaaga iyo aqoon odoroskaagana baaxad weyn u yeelaya.Dhiganahan MIISAANKA NOLOSHU wuxu ka kooban yahay saddex qaybood oo waaweyn.Qaybta 1aad waxa baadi-sooc u ah {MILICSIGA NOLOSHA} waana qaybta ugu ballaadhan buugga.Waxayna ka kooban tahay illaa 10 qoraal oo xigmad qoto dheer iyo sheeko murtiyeed ku saynsaaban tahay.Haddaynu mid iyo laba sheeko ka soo garoocannana waxa ka mid ah.

MACALLINKA NOLOSHA: waa sheeko murtiyeed iftiimin ka bixinaysa sooyaalka iyo kaalinta ballaadhan ee ay ummadda ugu jirto.  Macallinka noloshu waa taariikhda.Mahadhadu waa halbowlaha Aadamaha.  Waxana loo kala mudan yahay sida loo kala taariikh weyn yahay.   Taariikhdu waa mid ka mid ah tiirarka ugu adag ee noloshu ku taagan tahay.  Waxa la isku raacsan yahay ilaalinta, dhawrista iyo kaydinta taariikhda teeda xun iyo teeda san.  Taariikhdu waa muftiga ummaddu u noqoto marka arrin kakani ka hor timaaddo.  Qoraalkani wuu dheer yahay buugga gudihiisa waxan se ku soo xidhayaa {Nimaan taariikh lahayni tiraab ma yeesho}.  Qoraallada kale  ee qaybta 1aad ku jira waxa ka mid ah:

WADATASHIGU WAA TIIRKA NOLOSHA: Qoraalkan toolmooni wuxu si gun fog u bildhaaminayaa ahmiyadda iyo muhiimmadda ballaadhan ee wadatashigu bulshada u leeyahay.  Wuxu si waafiya u tilmaamayaa in tiirarka noloshu ku taagan tahay kuwooga ugu mudan wadatashiga iyo wax isku gaysigu ka mid yahay.  Wuxu ina tusinayaa in bulsho ayna kob caano leh ka soo durdurin, haddii aanay caqliga, cilmiga iyo cuddud isku gaysan.  Dadka dunida guudkeeda ku nooli waxay ku kala horumareen wadatashi iyo wax wada qabsi.  Qoraalkana waxan ku soo xidhayaa erayo uu qoraagu ku qoray badhtanka sheekadan. Waana erayadii Abwaan YamYam wuxuna yidhi: “Diric kali ahaantii,  Daleel guusha kama helo, Dadkaa geesi lagu yahay”

BARBAARINTU WAA BADBAADO: waa qoraal iyo qiso murtiyaysan, waxay  si wacan u iftiiminaysaa barbaarinta iyo in ubadka markay yar yar yihiin la toosiyo oo nolosha loo tilmaamo.  Waa sheeko xigmaddaysan oo wax badan maanka gilgilaysa, laabtana hud-hudaysa, garaadkana kor u qaadaysa.  Waan jeclaa inaan sideeda kuugu soo tebiyo akhriste; haddana waxan ka sii jecelahay inaad buugga ka akhrido.  Kama gayoonayno haddaynu mid mid u gorfayno balse waxa ka mid ah qoraallada laab-taabadka leh ee ku xardhan qaybtan 1aad {MARINKA NOLOSHA, BAY’ADDU WAA BADWEYN, HANTIDA IYO HOGGAANKA, CABBIRKA NOLOSHA, CADDAALADI WAA SINNAAN, BAQALBAA NIRIG DHASHAY}.  Dhammaan sheekooyinkaasi waa qaar laamaha iyo cidhifyada nolosha wax ka tilmaamaya. Dhanka kale waxay xoogga saarayaan oo si dad ban iyo si daallacanba u muujinayaan miisaanka noloshu inay tahay caddaalada iyo in dulmigu yahay dabar-jarka ummadda. Qoraalladani waxay si marag ma doona daaha uga faydayaan in haddii bulsho caddaaladdeedu toosan tahay noloshuna u toosayso, haddii ay qalloocan tahayna noloshuna ciirsan tahay.

QAYBTA 2AAD. MILGAHA NOLOSHA.

Qaybtan labaad waxay inna baraysaa milgaha iyo maamuuska noloshu huwan tahay. Waana qoraallo aan ka dhicin kuwii qaybta hore.  Waxayna ka siman yihiin guud ahaan qoraallada buuggan ku jiraayi, waa sheekooyin dhammaan ku iidaaman talo, tusaale, iyo tilmaan isku lammaan.  Aayadaha Qur’aanka sharafta leh, Adaxaadiista, sheeko murtiyeedda iyo waliba hal-muceed suugaaneedka isku ladhani waa hal-dheeraanta uu buuggani kaga shilis yahay buugtii ka horraysay.  Haddaba, sheekooyinka qaybtan 2aad ku jira, haddaynu mid iyo laba ka soo garoocanno waxa ka mid ah:

SAAMIGA SABOOLKA: waa sheeko murtiyeed qiimo iyo qaayo badan ku mariiman kuna masruufan.  Waxayna inna tusinaysaa sida dareen  la’aanta ah ee aynu ugu nool nahay saamiga saboolka.  Waa xigmad duur-xul ah oo tilmaamaysa ummadda soomaaliyeed iyo siday u qaayibtay inay ku qanacdo saamiga saboolka.  Akhriste waxan la socdaa inaad is waydiinayso, waa maxay saamiga saboolku?  Haa, waa runtaa waad is waydiinaysaa!  Laakiin ka warcelin maayo, oo waxan u dhaafayaa adiga iyo buugga ayaa dib iskugu noqon, oo wada cawayn doona!!

Qoraallo xigmadeedka qaybtan 2aad ku jiraayi aad bay u badan yihiin, badnidana waxa ka sii daran qoraal kastaayi wuxu xanbaarsan yahay xallad iyo xigmad gaara.  Haddaba, mid kasta haddii faalleeya oo faaqida la is yidhaahdo laga gayoon maayo.  Balse waxa ka mid ah qoraallada kale ee ku jira qaybtan 2aad {CARRUURNIMO WAA KU CAQABAD NOLOSHA, CASHARKA NOLOSHA, LOVE NUMBER 5, DUULLAANKA AYAXA, DAYAX MADOOBAAD IYO QAAR KALOO BADAN}.

Runtii buuggan MIISAANKA NOLOSHU waa dhigane xaddi ahaan kooban, haddana gudihiisa waxa ku xardhan laan kasta oo nolosha ka mid ah. samo-doon, wanaag ka talin, dulmi ka digid, caddaalad ku dardaaran, xigmadda nolosha, xiise kalgacayl iyo xallad nafsadeed intaas iyo in ka badan oo is barkan baad baalashiisa ka daallacan kartaa.  Baalkastana wuxu kuu dhiibayaa baalka ku xiga.  Adoon daal, diihaal iyo caajis midna dareemin, xaashi walbana xaashida ku xigta fudayd maskaxeed iyo furfurnaan qalbi ka sii qaadaya ayaad geftinka kale uga tallaabaysaa, markaasaad ku ceshanaysaa,markaasaad inaad duusho ood dabaylo raacdo ku dhawaanaysaa!!  Wuxuna kugu noqonayaa markaad u dhugmo yeelatid Hal-xidhaale furfuristiisu adag tahay.

 

QAYBTA 3AAD: WELED IYO WAALID.

Qaybtan saddexaad waxay si ballaadhan uga warramaysaa ubadka iyo waalidka, iyo waliba mid kasta xaqa uu ka kale ku leeyahay.  Waxa kalay si murtiyaysan oo maan-kaab ah u iftiiminaysaa mid kasta xilka saaran guudkiisa. Qoraallada toolmoon ee qaybtana waxa ka mid ah {DHAQANKA CARSAANYADA, UBADKA IYO ADDUUNKA, HABAAR WAALID, GUUR IYO GUUR-DOON, FURRIINKU WAA FIRDHISO IYO KUWO KALE}  Dhammaan waa sheeko murtiyeed huwan hoga tusaale iyo hawaala warran nololeed.  Midkastana gorfeyn iyo falanqayn gaara u baahan tahay.  Waana qoraallo miid murtiyeed iyo maan hadal aad u sarreeya lagu iidaamay.  Waxay waalidka iyo ubadka u tilmaamayaan hilinka toosan iyo toobiyaha san.

Hanbalyo iyo Bogaadin.

Waxan hanbalyo iyo bogaadin kal iyo laaba u dirayaa una hayaa runtii qoraaga buuggan miisaanka iyo macnaha ballaaadhan bulshada ugu fadhiya {Qoraa/Abwaan Maxamed Aw-cali Cartan “Hal-deeq”} oo dhabtii dedaalka iyo hawl karnimada xad dhaafka ah ee uu buuggan {MIISAANKA NOLOSHA} galiyay ka dhex muuqato.  Buug in  waan qorayaa la yidhaa way fududahay, laakiin in la qoraa way adag tahay.  Balse in buug raandhiis iyo raasamaal leh la qoro ayaa ka sii  adag.  Xaqiiqdii in buug miisaan iyo macno ballaadhan xanbaarsan uu Abwaan Hal-deeq qoray waa mid uu u dhabar adaygay, u samray, joog iyo jiifna uga tegay.Waa buug sida muraayada ay ka muuqato fiiro-dheeraanta iyo maskax godlanaanta uu qoraagu leeyahay.Qoraa/Abwaan Hal-deeq wuxu sameeyay fal iyo falaad ku dayasho iyo ka qori-goosasho mudan.Runtii Abwaan/qoraa Hal-deeq waxan waydiin lahaa su’aal madaxa daalisay oo ah {Qoraa Hal-deeq xaguu ka soo ururiyay waxan oo sheeko murtiyeed ah mise isagaa curiyay?Guntii waxan Abwaan/qoraa Hal-deeq leeyahay Alle miisaanka xasanaadka ha kuugu daro dedaalkaa aad ummaddaada u gashay.  Waxanan ku soo xidhayaa erayadii Abwaan Yamyam:

“Ninkii tiin tallaaliyo

Ninkii timir abuuraba

Taariikhdu way werin”

 

Nooca Buugga: MIISAANKA NOLOSHA

Qoraaga Buugga: Abwaan/qoraa Maxamed Aw-cali Cartan “Hal-deeq”Daabacaaddii 1aad: October.2013/ Hargeysa.Somaliland.

W/q: Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”

Email.Cagaf143@hotmail.com

Facebook. Cagaf ahmed.

Tell. 0634233714.

Hargeysa.Somaliland.          ALLAA MAHAD LEH.

DHAMMAAD