“Wasiirka Arrimaha Dibaddu Ma Isaga Beenaale Ah Mise Dadka uu Wasiirku Wax-magaratada Ku Tilmaamay”

Maxamed Diridhaba

Maxamed Diridhaba

Waxaa todobaadkii hore Beriga Magaalada London ka dhacay kulan uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu wehelinayo Wasiirkiisa Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar ay la yeesheen Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska, Haddaba kulankaasi waxaa hadal ka jeediyey Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, Maxamed Cabdilaahi wuxuu hadalkiisa ku sheegay in Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland guul weyn gaadhay tan iyo intii uu xilka hayey muddo imika ku siman sannad iyo bilo.

Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu ku tilmaamay dadka siyaasadiisa horumarinta ku sallaysan ka soo horjeeda “Wax-ma garato” isagoo faahfaahin ugu darray inay yahiin dad aan jeclayn waa sida uu yidhiye Horumarka Somaliland, Soomaalidu waxay tidhaahda “Baso waa Baso Si Kastood U Subagto”.

Dabcan Akhriste waa wax iska caadi ah oo aan ku cusbayn ra’yul caamka caafimaadka qaba in marka qofkii masuuliyadda la biday ay kalsoonidii shacabku ka lumayso isla markaana uu bedweyn dhex daabalanayo inuu ceebahiisa ku mooso dad kale, Waxaan weli isweydiinaya oo aan  calaamatul su’aal weyn saaraya Dhakhtarnimad (Doctorate Grade) uu Maxamed Cabdilaahi Cumar Sheegto inay la mid tahay Dhado Roob Noqon Wayday.

Maxamed Cabdilaahi Cumar isagoo qiil u raadinaya siyaasaddiisa uu ku tilmaamay inay horumarka u horseedayso Somaliland wuxuu difaacay sida uu uga qayb gallo shirarka lagaga hadlaya Arrimaha Soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatay shirkii xagaagii sannadkani 2011-ka uu kaga qayb gallay magaalada yar ee Steyning ee West-sussux ee dalka ingiriiska, Kulankaasi oo loo qabtay Arrimaha Soomaaliya, Haddaba Anigoo ah Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba Ahna Muwaadin reer Somaliland ah oo degen dalka ingiriiska waxaan doonaya inaan halkani si weyn ugu lafa-guro kana hadlo ceebaha Wasiirku samaynayo ee aanu xita waji xishooda ka lahayn,   Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu hadalkiisa ku sheegay  inuu shirkaasi uga qayb gallay isagoo matalaya Somaliland sida dalalkii kale ee shirka ka qayb gallay sida Kenya, Uganda iyo Britain oo kale, isla markaana Somaliland ay masuuliyadi ka saarantahay arrimaha Soomaaliya, wasiirku sannad ku dhawaad weli wuxuu shacabkii Somaliland ee uu ku gafay ee weli isweydiinaya khaladka uu Wasiirku ka gallay intuu le’eka ugana fadhiyey sharaxaadu uu weli ku adkaysanaya inuu saxsana

Haddaba Soomaalidu waxay tidhaahda Beenaale markhaatigiisuu fogeeyaaye, Waxaan jecelahay in shirkaasi iyo siduu u dhacay iyo sidii Somaliland ay qayb uga ahayd Soomaaliya isla markaana uu shirkaasi u hadlaayey Somaliland oo Soomaaliya ka mid ah Wasiirka arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Oomaar ayaa waxaan marlabaad idiinku soo gudbinayna wabrixintani ee akhris wacan, warbixintani waa mid aan hore u diyaariyey dabcana aan doonayo inaan marlabaad idiin soo bandhigo


Kulankii WiltonPark Qaboobahii 2011

Haddaba Akhristayaasha waxaan Doonaya inaan qodob qodob u gorfeeyo, u fallan qeeyo, isla markaana u dul istaago inagoo u eegi doona si cilmiyaysan isla markaana si cad oo aan mugdi ku jirin u lafa guri doono Meelaha mugdiga faraha badanleh ku jiro ee Wasiirku damcay inuu sacabada ku qariyo, waxaynu ku dabaqi doona fallanqayntani warbixintii   Shirkaasi laga soo saaray, Cidii shirkaasi ka hadashay, qodobadii shirkaasi lagaga hadlay, Waxaynu sidoo kale fallan-qayntani akhristayaal ku eegi doona inagoo kelmad kelmad u macnayn doona weedhahii ku qorna warbixinta (the minutes of the conference) shirka ka dhacay Galbeedka Susux ee dalkani boqortooyada Ingiriiska Qaboobahii sannadkani 2011, 1. Wasiirku Wuxuu Sheegay Inuu Shirku Ahaa Mid Caalami Ah Oo Aan Loo Qaban Soomaaliya Inagoo jawaabta su´aashani ku dabaqayna weedhahii ku qorna Warbixintii ugu danbaysay ee shirka laga soo saaray isla markaana ay soo saareen Xaruntani Wilton Park waxaa Gundhig U Ahaa Shirka oo Ciwaan looga dhigay Somalia Building Stability, Accepting Reality Haddii aynu gundhiga shirka macnayno weedhaha uu ku qoranyahay wuxuu ahaa  oo afka soomaaliga ku noqonaya macnawiyan Soomaaliya Dhisidda Deganaanshaha iyo Aqbalsiinta Xaqiiqda Jirta,Wasiirku wuxuu sheegay inuu shirka uga qayb gallay isagoo matalaya Somaliland, Su´aasha wasiirka hor taalla waxay tahay Adduunyadu ma aqoonsantahay Somaliland madax banaanideeda (Does the international Community including those bodies who attend this conference acknowledge the recognition of Somaliland), Somaliland lama aqoonsana adduunyaduna waxay u aqoonsantahay gobol ka tirsan Soomaaliya, cidda aynu xaqeena kula gorgortamaynaana waa Beesha caalamka laftigeeda, marka Wasiirka waxaa looga fadhiya inuu si cad usoo bandhigo Casuumadda rasmiga ah ee shirkaasi loogu fidiyey inuu ku matalayo Qarran Somaliland ah.Marka kale inagoo ku noqonayna Weedhahii ku qorna Warbixintii kama dambaysta ahayd ee laga soo saaray natiijaddii shirka Seddexda Maalmood socday isla markaana bar bar dhigayna sheegashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland  ayaa waxaa keliya Somaliland lagaga sheegay hal meel ama qodob keliya qodobkaasi keliya ee shirka lagaga sheegayna wuxuu u dhigna sidani isagoo afka ingirisiga ku qoran What lessons can we learn from areas of relative stability, in particular about peace building in Somaliland, Puntland and Galmudug?. Haddii aynu weedh weedh u macnayno waxay noqonaysa Maxaa Casharo Beesha caalamku ka baratay goobaha kale ee Soomaaliya ee nabadi ka jirto sida Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

Qodobkaasi wuxuu si cad oo aan mugdi ku jirin u caddaynaya in Somaliland shirka ay uga qayb gashay iyadoo ah gobol ama qayb ka mid ah Soomaaliya waxaana qodobkaasi  uu ina macno tusaysa in Somaliland, Puntland iyo Galmudug ay yahiin goobaha nabadda dalka Soomaaliya.

2. Wasiirku Wuxuu Sheegay Inuu Hadal Ka Jeediyey Shirkaasi

Akhristayaal inagoon meel kale caddayn uga raadin isla markaana aan mala´awaal kale doonin Warbixintii ugu danbaysay ee habeenkii xallay ahaa laga soo saaray Shirkaasi oo si cad u iftiiminaysa gebi ahaanba siduu shirku u dhacay, cidii ka hadashay, cidii faalo ku darsatay cidii doodda ka qayb gashay waxaa Warbixintu xustay in magacyadani oo keliya ahi ay hadleen

Maalintii 1-aad Ee Shirkaasi Isniin 07/02/2011

1. Waxaa Khudbadii ugu horaysay ee Furitaanka Shirka Furtay Gabadha magaceeda la yidhaahdo Camila Fenning oo ah Madaxa Barnaamijyada Doodaha ee xarunta Wilton Park
2. Mrs Sally Healy Oo ah Gabadh ka socotay Xarunta Cheltanham House isla markaana ah khabiirad aad ugu dhaw Arrimaha Soomaaliya
3 Mark Bowden Oo Ah Xidhiidhiyaha Barnaamijyada Gargaarka ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
4. Augustine Mahiga Oo ah wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
5.Maxamed Cabdilaahi Oomaar Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya
6.Professor Ken Menkhaus Oo Ah Gabadh Cilmiga Siyaasadda iyo xidhiidhka Caalamiga ah ka barta Kuuliyadda Davidson ee ku taalla Gobolka Waqooyiga Carolina ee dalka maraykanka
7.Andre LeSage Oo Ah Xeeldheere Arrimaha Ammaanka Difaaca wax laga weydiiyo oo ka tirsan Mac-hadka Barashada Istaaratijiyada ee Jaamacadda Difaaca ee Magaalada Washington

Maalintii 2-aad ee Shirka

Ajandaha Shirku wuxuu Ahaa: Soomaaliya iyo Wakhtiga Fog Ama Soomaaliya iyo Qorshaha Fog

Waxaa Ka Hadlay

8.Jeremy Brickhill Oo Ah Khabiir Si Madax Banaan La Taliye U Ah
9.Susana Malcorra Oo Ah Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Goobaha
10. Kirsti Samuels Oo ah Qoraa isla markaana lafa gura isla markaana fallanqeeya arrimaha dhismaha qarran iyo qorshayaashooda
11. Pat Johnson Oo Ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Haayadda Nabadda Ee Soomaaliya (Interpeace)

Maalintii 3-aad Ahaydna Maalintii Ugu Danbaysay Ee Shirka

Wuxuu Ajandahah Shirku Ahaa In La  Lafa Guro Qodobadii Xubnahaasi Ka Hadleen

Waxaa Maalintaasi ay xubnahu lafa gureen qodobadii laga hadlay, waxaana ugu danbayntii Maalintaasi khudbadii shirka lagu soo xidhay hadal ka jeediyey Augustina Mahiga oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

Akhristayaal Intaasi Waa Xubnahii ka hadlay Shirka isweydiinta waxay tahay, isla markaana qumanayd inuu wasiirku ka hadlo Sababta magaciisa loogu xusi waayey Warbixinta Waxaa Warbixinta si cad ugu xusan magaca Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo shirka hadal ka jeediyey maalintii ugu horaysay isaguna ahaa keliya qofka Soomaali aha ama matalaayey Soomaaliya ee shirkaasi ka hadlay Qoraalkaasi oo aanu hore idiinku soo gudbinay isagoo ku xardhan Barnaamijka PD File halkani guji oo is bar bar dhig magacyadani iyo kuwa ku qoran Warqadaasi
http://www.farshaxan.com/WP1078_Provisional_Programme_%20151210_3.pdf
Haddaba Wasiirka sheegashadiisu Maxaynu u macnayn karna ma inaga waalan mise cadan ayaa laga heesaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Wuxuu Sheegay In Shirkani Uu Ka Duwanyahay Kii Hore Ee Soomaalida Loo Qaban Jiray Akhristayaal Inagoo Mar kale soo ictiraaraqayna isla markaana ka tusaale qaadanayna Warbixintaasi shirka ka soo baxday ayaa anigoo Tusaale idiinka soo qaadaya ujeedada shirka gundhiga u ahayd waxaa bilawga Warbixinta lagu yidhiThe international community needs to work with Somalis to build stability in their country and deny space to those who cause harm. The security threats posed to Somalis, the region, and the international community are serious and growing. Security symptoms will not be solved without addressing the cause, in particular chronic and endemic instability. The aim of the conference, hosted by the Foreign and Commonwealth Office is to agree on the international activity needed to deliver long-term political change in Somalia. Discussion will focus on the key policy issues and strategic choices, agreeing what is needed to help Somalia move forward, and how. We will learn lessons from elsewhere on counter-insurgency and state-building operations. The resulting action plan will help build a coherent international approach and maximise the impact of our collective effort.
Objectives:
  • To secure agreement on the long-term policy solutions and the framework required to effect real change in Somalia;
  • To identify helpful and unhelpful forms of international intervention and therefore to agree how the international community can best provide assistance;
  • To develop an action plan to implement the above, including strategic choices and means/methods of implementation.
  • To help Somalia move from a ‘country in crisis’ towards normalisation of the Somali ‘space’.

Turjumidda Ajandaha Shirka Oo Aynu Weedh Weedh U Turjamayno

Beesha Caalamku Waxay u baahantahay inay kala shaqayso Soomaalida sidii ay dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen Deganaansho isla markaana ay iskaga saari lahaayeen kuwa dhibaatada ku haya dadka Soomaalida, Khatarta Ammaan ee ka jirta Soomaaliya, gobolka iyo Caalamka oo dhan waa mid aan la dhayalsan karin oo sii soo kordhaysa, dhibaatooyinkaasi ammaan darro  lama xallin karo ilaa aan la taaban oo aan la gorfayn waxaa u ah sabab ah gaar ahaana mushkiladdani aan xalka lahayn ee soo noq noqonaysa.

Ujeedada Shirkani oo ay fududaysay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Barwaaqo Sooranka ee dalka ingiriisku wuxuu ku saabsanyahay sidii dedaaladda caalamiga ah ee ku wajahan xalka Soomaaliya ay u noqon lahaayeen qaar midho dhala oo muddo badan waari kara hormoodna u noqon kara isbedel siyaasadeed oo la taaban karo kaasi oo jiri kara wakhti badan, fallanqaynta Kulankani wuxuu ku saabsanaan doona arrimaha siyaasadeed ee ugu muhiimsan iyo kala doorashada jihooyinka la raacaayo iyadoo la isku raaci doono tallaabada ugu weyn ee looga baahanyahay sidii Soomaaliya hore ugu socon lahayd iyo qaabkii arrintaasi loo heli lahaa, Waxaanu casharo ka baran doona meelaha kale ee deganaanshahu ka jiro sidii taasi loogu dabaqi lahaa dhisida qarrankii Soomaaliyeed, go´aanada natiijadda noqon doonaana waxay qorshe u noqon doonaan sidii ay uga caawin Soomaalida dedaal aan loo kala hadhin oo beesha caalamku ay ku kordhin doonto tallaabooyin kasta oo xal lagaga gaadhayo dhibta jirta.

Ujeedooyinka Shirka Turjumaad Afka Soomaaliga

  • Sidii Heshiis rasmi ah looga gaadhi lahaa xalka ku sallaysan siyaasad qoto dheer iyo iskaashi buuxda oo laga yeesho sidii isbedel dhab ah looga gaadhi lahaa dhibta soomaaliya
  • Sidii loo heli lahaa ee la loo xaqiijin lahaa faa´iidada iyo faa´iida darrada ay  faragelinta Beesha Caalamku ku leedahay arrimaha Soomaalida iyo sidii meel la iskula dhigi lahaa sidii Beesha caalamku ay gacan wax ku ool ah u siin lahayd Soomaaliya
  • Sidii loo horumarin lahaa Qorshe wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo fulin lahaa qodobada kor ku xusan kuwaasi ay ku jirto kala doorashada istaratijayadeed  iyo qaabkii iyo loo fulin lahaaba
  • Sidii Soomaalida gacan looga siin lahaa inay dalkooda ka saaran carqaladda iyo dhibta kuna hagaan dalkooda degenaansho iyo nabadgelyo Soomaalida dhex marta

Haddana Iyadoo Shirka Ujeedadiisa Qodobadii Aas Aasiga ahaa Ee Lagaga Dooday Lagu Fallanqaynaayo la sii wada  Waxaa Warbixinta Lagu yidhi:

  • What do we envisage Somalia to look like in 2015 – what is our vision and that of Somalis?
  • What should happen after August 2011? What would the international community be unable to support?
  • How could the Transitional Federal Institutions be held to account for the delivery of the transitional tasks by the international community and the Somali people?
  • How can the progress made in developing the Transitional Federal Institutions be protected beyond the transition?
  • How to ensure that the process of agreeing a Somali Constitution brings Somalis behind the peace process and brings in those not currently part of the TFIs?

Turjumaadda Qodobada Afka Soomaaliga

  • Maxaa Dhici Doona Ka Dib August 2011, Maxaanay Beesha Caalamku Awood U Lahayn Inay Wax Ka Qabato
  • Sidee Qodobadda Aas-aasiga u ah Qaab Dhismeedka sharciyeed looga dhigi lahaa qaar hanta oo soo jiita bulshada caalamka iyo Soomaalida laftigeeda
  • Sidee Qaabka Ku meel gaadhka ah iyo Xeerarka ku meel gaadhka ah looga dhigi lahaa qaar hanan kara oo jooga noqda
  • Sidii Loo Xaqiijin Lahaa ee la iskugu raaci lahaa in Dastuur dhab ah oo Soomaalida loo sameeyo ay noqoto natiijadda rasmiga ah ee ka danbaysa in lagu soo daro Hanaanka Federaalka qaybaha ka maqan oo ah dabcan (Somaliland puntland iyo Galmudug)

Haddaba Isweydiintu waxay tahay Faa´iidada inoogu jirta ma waxay tahay in aynu qayb ka noqono oo beesha caalamku aynu faan kaga helo inaynu nahay qayb ka mid ah Soomaaliya sida Puntland iyo Galmudug oo degenaansho haysta, miyaanay ka hor imanaynin Mawqifkii Qaranimad iyo Madax Banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee ahaa in aan la fadhiisan Goob Qaranimada Somaliland la mid tahay gobol sida Galmudug iyo Puntland, Ma Wasiirka ayaa hadalkiisu saxyahay mise tallow Warbixinta Shirka ka soo baxday.  Waa Mid u taalla shacabka Somaliland Ee 1991-kii ku gaadhay Madax banaanidooda isla markaana 2001-dii %97 ugu codeeyey in Madax banaanida Somaliland ay ayidsanyahiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu ku sheegay Hadalkiisa in Wasaaradiisu ay u madax banaantahay wixii waajib ah oo ay ka mid tahay in shirkani ay ka qayb gasho oo dabcana ah shir Somaliland mansab ahaan ay la mid ahayd Puntland iyo Galmudug, Wasiirku Miyuu iloobay Qodobka Dastuurka Somaliland ee u dhigan sidani  Xubinta 3-aad Qodobka 94-aad faqradiisa 4-aad ee Dastuurka Somaliland oo si cad u iftiiminaysa Awoodda xubinta golaha wasiiradda ku jirta inaanay awood u lahayn wax ka baxsan axdiga qarranka qodobkaasi oo fasilan wuxuu u dhiganyahay sidani Wasiirada ama Wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan tan Qaranka”.

Doodda Odhanaysa Somaliland Ma Beed Jabaya Maxaa U diiday Inaynu Ka Qayb Galno Shirka

Dabcan jawaabta su´aashaasi waa mid fudud, waana maya kama qayb geli karo Somaliland maaha xero digaag, waa qarran leh shuruuc u yaalla, wuxuu leeyahay Dastuur ay ummaddu u codaysay, waxaana qodobada dastuurku iftiiminaya in Haddiiba ay dhacayso in Soomaaliya oo ah dalkii ay midnimadu ma inaga dhexaysay wada hadal mar inoo furmaayo inay noqoto mid tallo qarran laga yeesho, tallada qarranka waxaa looga jeeda Xukuumadda, Baarlamaanka, Axsaabta, Ururada Bulshada ka dibna shacabka si dimuqraadi ah loogu soo bandhigo shacabkuna ay u cod qaadaan “constitutional Mandate”,.

Wasiirka Su’aalaha Inuu Ka Jawaabo U Baahan

  • Inuu Soo Bandhigo Qaabkii Shirka Loogu Casuumay? Meeqaam Ahaan siduu sheegay waxaa loogu casuumay meeqaam la mid ah sida Ethiopia, Kenya iyo Yuganda? Inuu Wasiirku meelaha ka sheeg sheegto waxaanu uga qayb gallay sida dawladaha kale wax qiil noqonaya maaha waxay muujinaysa sidaanu Wasiirku xilkaba ugu qalmin ee uu weli usii dhego adagyahay
  • Inuu Soo Bandhigo Faa’iidada Ugu Jirta Somaliland in aynu la meeqaam noqono Puntland iyo Galmudug?
  • Wasiirku wuxuu sheegay inuu Khudbad ka jeediyey Shirka Maxaa loogu dari waayey magaciisa Minuteska shirka ka soo baxay (Key Note Speaker) marka laga reebo 11 magac ee kor ku xusan?
  • Markuu Wasiirku leeyahay Faa’iido ayaa shirka inoogu jirta Muxuu U Jeeda, Haddiiba uu leeyahay Shirka Somaliland oo ah qarran la aqoonsanyahay sida Kenya iyo Ethiopi ayaanu uga qayb gallay waa inuu keeno oo reer Somaliland  tuso caddayntii (official invitation letter) la mid ah in lagu casuumay Somaliland si la mid ah Ethiopia iyo Kenya?
  • Waxaa Jira Shir kale oo Wasiirku uu gogol xaadhanayo isagoo ka indho adag sharciga iyo qanuunka Somaliland kaasi oo ka dhici doona Ingiriiska sannadka 2011.

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)

Corporate Financial Advisor

Barclays Bank, London

Qoraaga Qoraalka Waxaa Lagala Xidhiidhi Kara

diridhaba@gmail.com

Facebook: http://www.facebook.com/Mohamed.diridhaba/posts/242760992451647?ref=notif&notif_t=like

Twitter: # Mohamed Diridhaba Twitter

Master Of International Law- Coventry University, UK– Bachelor Degree of Science Preston University–Higher Diploma Of Journalism Cambridge Journalism School, Diploma of  International  and Islamic Banking– Institute of Islamic Banking and Insurance London…Diploma of Corporate Sales Coventry Business School.