Goormay Ku Eeg Tahay Mudada Kala Xulista Urur Siyaasadeeddada Cusubi?

Markii Ay Urur Siyaasadeeda Cusubi Buuxiyeen Shuruudaha Ku Cad  Qodobka 4aad: Codsashada Diiwaan-Gelinta Iyo Qabashada Araajida Waxay Gudidu Shaacisay 29Dec2011, Ururo Tiradoodu Ahayd 15 Oo Buuxiyay Shuruudihii Laga Rabay Taas Oo Aan Keenin Wax Tabasho Iyo Turxaanah Laguna Kala Baxay Hadh Cad
Hadaba Waxa Is Weydiin Mudan Maxaa Keenay In Ay Gudida Diwaan Galintu Ugu Shaacin Ladahay Wajiga Labaad Ee Hawsha Kala Reebida Ururada Oo Ay Mudo Ku Dhaw Laba Toddobaad Haystaan  Iyadoo Ay Maalinkasta Natiijo Gobaleedyada Maalin Kasta Ay Qoloba Guul Sheeganaysay Saxaafaduna Qoraysay Wararka Tirakoobyadaas Taas Oo Dhalin Karta Kalsooni Daro Ama Aminaad Xumo Keeni Karta Qas Iyo Buuq Siyaasadeed Oo Hakad Galin Kara Hawlaha Udiyaar Garowga Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka  Sidii Diwaan Galintii Iyo Natiijooyinkii Doorashooyinkii Sanadihii Hore .
Hadaba Waxaa Iyaduna Meesha Ka Muuqata In Aanay Gudidu Raacayn Xeerkan Oo Ay U Socdaan Siday Hadba Iyagu Doonaan Aqoon Daro Iyo Ogaan Miday Katahayba Waxaana Taas Daliil U Ah Waxay Hore U Samaysay Gudidu Qaladaad Sharci Oo Ka Hor Imanaaya Dastuurka Oo Aan Hore Uqoray Sida Tusaale Ahaan, Qodobka 75-Aad Ee Dastuurku Waxa Uu Dhigayaa: “Xeer Ayuu Madaxweynuhu Ku Soo Saarayaa, Kuna Faafinayaa 21 Casho Gudahood Oo Ka Bilaabmaysa Maalinta Goleyaashu U Soo Gudbiyo, Waxaanu Ku Dhaqan-Gelayaa Muddo Bil Ah.” Si Taas La Mid Ah, Qodobka 76-Aad Ee Dastuurka Ayaa Dhigaya: “Mashruuc Sharci Wuxuu Dhaqangal Ku Noqonayaa Ansixinta Labada Aqal-Barlamaan Oo Uu Madaxweynuhuna Saxeexa Faafinta Ku Duugo”. Tani Waxay Sidoo Kale Ku Caddahay Qodobka 38, Faqraddiisa 2 Ee Dastuurka. Waxa Kale Oo Iyana Tilmaamaya Qodobbada 74, 77 Iyo 78 Ee Dastuurka.
Taas Oo Ahayd Xiligii Ay Gudidu Cayimeen  Malinta Ay Ka Bilaab Mayso Iyo Maalinta Ay Xidhmayso Isagoo Xeerku Xiligaas Ahaa Mashruuc Shari Oo Aan Dhaqan Galin Waana Tii Kashifaadaas Ay Lakulmeen.
=Marka Aynu Taas Ka Nimaadno Bal Aynu Eegno Maantana, Sida Uu Dhigayoqodobka5 Faqradiisa3 Xarfihiisa B&T Ee Xeer14
3. Xisbi/Urur Kasta Waa Inuu Ku Keenaa Mudada Ku Xusan Faqrada 2aad Ee Qodobkan
Qoraalada Iyo Caddeymaha Soo Socda:-
B. Qabashadii Shirweynaha Ee Ururka Ama Xisbiga, Meeshii Uu Ku Qabtey, Taariikhduu
Qabsoomay Iyo Wixii Ugu Weynaa Ee Ay Qabteen, Sida Liiska Magacyada Xubnaha
Golaha Dhexe, Golaha Fulinta Iyo Magacyada Hogaanka Xisbiga.
T. Caddeyn In Ururkaasi Ku Leeyahay Laamo Hawlgal Ah, Ugana Diiwaan-Gashan Yihiin
Ugu Yaraan 1000 (Kun Qof) Xubnood Gobol Kasta, Kuwaas Oo Haysta Warqda
Aqoonsiga Muwaadinimo Oo Sharci Ah

Bal Waxaad Eegtaa Iyama Ayaa Horeeya Qabashada Shirweynaha Iyo Tirinta Dadka 1000 Qof. Goorma Ayuu Ururku Dad Taageerayaal Ah Yeeshaa Ama Uu     Qaabdhismeed Yeeshaa, Wa Inaas Axaa Dheer Oo Iyana Jirta
=Bal Eeg Q.5 Farqadiisa2   .
2. Mudada Hawl-Galada Ururada Siyaasadeed Waa 6 Bilood Oo Ka Bilaabanta Taariikhda Ogolaanshaha Ku Meel Gaadhka. Marka Mudadaas 6 Bilood Ah Laga Soo Bilaabo 30 DEC 2011 Waa Ilaa 30 JUNE 2012  Hadiii Ay Sidaas Tahay Maxay Ku Keeneen Inay Gudidu Tidhaahdo Waxaanu Ku Dhamaynaynaa Hawshan 20 April 2012 Miyaanay Ku Shaqaynayn Xeerka Loo Jeexay Mise Waa Si Kale Ugu Danbayn Waxaan Usoo Jeedinayaa Gudida Diwaangalintu Inay Sharciga Xaqdhawraan Shaqadoodana Ku Saleeyaan Xeer14 Si Aanay Umutaysan Kala Dirid Sidii Komiishankii Hore

WABILAAHI TAWFIIQ

Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed