Google oo Cabasho ka Muujisay basaasid FBI-du ku hayso Dadka Isticmaala Adeegyadooda

Washington (SLpost)- Shirkadda Google ayaa caddeysay inay talaabo ka qaadi doonto ogolaanshiyo hay’adda Ammaanka Gudaha Maraykanka ee FBI loogu siiyey inay maxkamad la’aan weydiisan karto macluumaadka dadka isticmaala adeegyadeeda Email-da iyo ku-hadalka, kaas oo sharciga ammaanka Maraykanka fasaxayo.

Shirkadda Google ayaa Racfaan uga qaatay Maxkamad Maraykan ku taal liisanka FBI-da ee helitaanka macluumaadka isticmaalayaasha, taasoo ka dhigaysa shirkadii u horeysay ee ku dhiirata ka horimaadka sharcigaa.

GoogleIlaa wakhtigii sharcigan soo baxay oo ahayd sannadkii 2000, ilaa shan jeer oo ay diideen mooyee, ugu yaraan 300 kun oo codsiyo ayey u direen hay’adda FBI-da, sida ay baahisay Bloomberg.

Inkastoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee Google ka hortimaado waajibaadka sharcigaa, baahinta macluumaadkaasi uu sharci-daro yahay, waxa dhawaan go’aan ka soo saaray Maxkamad ku taala magaalada  San Francisco ee dalkaas, taas oo go’aamisey in liisanka FBI-du ka horimanayo sharciga.

Ururada xuquuqal-insaanka ayaa u arka in liisanka FBI-du u haystaan basaasida macluumaadka isticmaalayaasha liddi ku yahay xuquuqaha qofka, balse xukuumadda dalkaas oo iska indho-tiraysa xuquuqda Shacabkeeda ee ay ku geftay, ayaa u aragta in Sharciga Ammaanku sahlayo sidii loola dagaalami lahaa argagaxisada.

SOMALILANDPOST.NET