Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo oo Meel-mariyey Odoroska Miisaaniyaddii ugu tirada badnayd ee Somaliland yeelato

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa shirkooda todobaadlaha ah oo maalinta Khamiista isugu yimaaddaan, waxay kulankooda maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Siilaanyo ku ansixiyeen Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka oo noqonaysa miisaaniyaddii ugu xaddiga badnayd ee dalku yeesho.

golaha wasiirradaWasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Wasiirrada u sharraxay, warbixin-na ka siiyey oddoroska Miisaaniyadda sannadka soo socda oo ka badan tii sannadkan dhammaadka ku dhow, taas oo sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada, noqonaysana Miisaaniyaddii ugu tirada badnayd ee dawladda dhexe ee Somaliland yeelato muddada rubuc-qarniga ah ee ay jirtay.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa meel mariyay Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka oo Caddadkeedu dhan 251 Milyan oo Dollar, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo nuxurka kulanka maanta warbaabinta u faahfaahiyey.

Odoroska Miisaaniyadda 2015-ka, waxa ay ka badan tahay tii sannadkii hore 40 Milyan oo Doollar, waxaana la qorsheeyey in Miisaaniyadda sannadkan ee Dawladda dhexe noqoto 180 Milyan oo Doollar, halka dawladaha Hoosena la odorosay inay noqoto 71 Milyan oo Dollar oo wadartoodu isku noqonaysa $251-Milyan.

Miisaaniyadda sannadka 2015-ka waxa ku kharashka Diiwaangelinta Madaniga ah oo la filayo inay dhawaan dalka ka qabsoonto.

SOMALILANDPOST.NET