Golaha Wasiirrada Somaliland oo Qaab aan hore looga baran u shiray iyo Sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Fadhiga todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland isugu yimaaddeen Khamiista maanta, ayaa lagaga dooday saamaynta caabuqa CoronaVirus iyo dedaallada xukuumaddu ugu jirto ka-hortagga iyo xakamaynta Cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu faafaya adduunka.

Kulanka Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa u qabsoomay qaabka ka duwan kulamadii ay hore ugu yeelan jireen Qasriga Madaxtooyada, waxaanu shalay kulanku ku qabsoomay mid ka mid ah hoolalka shirarka ee Madaxtooyada iyadoo masuul kasta si gaar ah ugu fadhiistay kursi iyo mid u gaar ah oo masaafo ahaan ka durugsan masuuliyiinta kale.

Ujeeddada qaabka cusub ee shirku u qabsoomay ayaa ka mid ah dedaallada xukuumadda ee wacyi-gelinta iyo ka-hortagga caabuqa CoronaVirus, kaas oo ka dhignaa farriin bulshada loogu dirayo tallaabooyinka looga baahan yahay inay qaadaan si looga hortago xannuunka.

Daawo Jewigii Shirka Golaha wasiirrada iyo maanta

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland