Golaha Wasiirrada Somaliland oo maanta Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2012 oo tii sannadkii hore ka badan

Hargeysa, 27 February, 2012 (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland Fadhi ay maanta isugu yimaaddeen ayaa lagu ansixiyey miisaaniyad-sannadeedka 2012 oo in badan la sugayey.

Kulankan oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland isla markaana uu shir-guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha madaxweynaha, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyad-sannadeed dhan 639,369,240,470 SL Shilings taas oo 23.19% ka badan miisaaniyaddii sannadkii 2011-ka oo xaddigeedu ahaa 527,720.451,857 SL Shilings  oo iyadu 70% ka badneyd tii sannadkii ka horeeyey ee 2010-ka.

Waxa lagu wadaa in Miisaaniyadda sannadkan 2012 loo gudbiyo Golaha Wakiilada Somaliland oo dastuurku awood u siiyay inay ansixiyaan si ay u noqoto mid hirgashay oo dawladduna ku shaqayn karo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net