Golaha Wakiilladda Somaliland oo maanta Ansixiyey Xeerarka La-dagaalkaBudhcad-badeedda iyo Wareejinta Maxaabiista

Hargeysa, 21 February, 2012 (SLpost)- Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa fadhigoodii Maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay laba xeer oo kala ah Xeerka La dagaalanka budhcad badeedka iyo Xeerka Wareejinta Maxaabiista.

Fadhigan oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” waxaa madashaasi ka soo xaadiray 51 Mudane oo ka mid ah 82 Xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiilada.

Labadan Xeer oo Xukuumadu u soo gudbisay Golaha wakiilada ayay Mudanayaashu dalbadeen in ay daruuri tahay sidii uu goluhu u meel marin lahaa labadan xeer oo ahmiyad ballaadhan ugu fadhiya guud ahaan qaranka, isla markaana uu xeerka hore ku fadhiyo la-dagaalanka budhcad-badeedda oo aanay Somaliland hore uga lahayn wax shuruuc ah oo ay kaga hor tagto iyo xeerka Wareejinta Maxaabiista oo caddaynaya inuu yahay xeer ka dhexeeya Somaliland iyo Waddan kale, kaas oo ay ujeedadiisu tahay in maxbuus Xukuman laga wareejiyo dalkii Xukumay isla markaana loo wareejiyo dal kale si uu xadhigiisa ugu qaato.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  ayaa Xildhibaanada ku wargaliyay in doodda xeerka budhcad-badeeddu ay hore golaha uga soo dhammaatay waxaanu u soo jeediyay inay is raaciyaan labada xeer oo cod gacan taag ah lagu meel mariyo, gudoomiyuhu wuxuu ugu horayn ka dalbaday mudanayaasha in si duuduub lagu ansixiyo labadan xeer  iyo in goluhu ka doodo, markii codkii la qaadayna waxa mudaneyaashu u bateen in sidaa lagu ansixiyo. 32 mudane, ayaa taageeray in si bilaa  dood ah lagu ansixiyo, waxa diiday 5 mudane, 12 mudanena way ka aamuseen.

Markaa kadib waxa cod gacan taag ah lagu ansixiyay labada xeer

  • Xeerka La dagaalanka Budhcad badeedka waxaa Ogolaaday 46 Xildhibaan waxaa diiday 3 Mudane,Hal xildhibaana wuu ka aamusay Gudoomiyuhuna Muu codayn sidaas ayaanu ku ansaxmay Xeerkan oo ka kooban 14 qodob, lambarkiisuna yahay xeer/lam 52/2012..
  • Sidoo kale Xeerka Wareejinta Maxaabiista waxaa ogolaaday 32 Mudane, halka ay 5 Xildhibaan ka diideen kana aamuseen 13 Mudane Gudoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaanu ku ansaxmay Xeerkan isweydaarsiga maxaabiista oo ka kooban 24 qodob.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net