Golaha Wakiillada Somaliland oo Shacabka ugu baaqay inay Meel uga soo wada-jeestaan ‘Cadaawadda Soomaaliya Caddeysatay’

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag cambaareeyey Hadallo ka soo yeedhay Dowladda Soomaaliya oo muujisay sida ay uga xuntahay horumarka dhinaca dibloomasiyadda iyo xidhiidhada siyaasadeed ee Somaliland la leedahay Dalalka Caalamka.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliland, ayaa lagu bogaadiyey madaxweynaha Somaliland safarka uu ku tagay dalka Guinea iyo dedaallada dibloomaasiyadeed ee Xukuumaddiisu ku xoojinayso xidhiidhka siyaasadda Dibadda.

War-murtiyeedka Golaha Wakiillada Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

 

“Golaha Wakiilada JSL Isagoo ka duulaaya awooda Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ee Hagista siyaasada Guud ee dalka.

Isagoo goluhu yaqiinsan isbedelada iyo marxaladaha siyaadaha caalamka
Sidoo kalena Og Xuquuqda aasaasiga ah ee Aayo ka tashiga Umadaha aduunka (Self declaration).

Goluhu isagoo aaminsan xaqa umadda Somaliland u leedahay inay aayahooda kaga tashato isla markaaana hesho aqoonsi caalamiya waxa uu soo saaray Baaqan,

 

1. Golaha Wakiilada JSL waxa uu si buuxda u taageersan yahay safarka Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi ku marayo wadamada Galbeedka afrika gaar ahaana Dalka GINI Waanu ku hambalyaynayaa talaabadaas taariikhiga ah ee uu qaaday.

 

2. Golaha Wakiiladu wuxuu uga mahadnaqayaa Dawlada Guinea Conakry sida qiimaha iyo gobonimada leh ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyoo weftigiisa

 

3. Golaha Wakiiladu wuxuu si xoogan u cambaaraynayaa hadalada cadaawada iyo kala fogaynta ah ee ka soo yeedhaya Dawlada Xamar ee aan iskeed isu maamulin.

 

4. Golaha wakiiladu waxa ay ka fiirsan doonaan sii socoshada wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

 

Gebagebadii Waxaanu beesha caalamka ka codsanaynaa inaanay indhaha ka qarsanin xaqiiqooyinka ka jira Somaliland isla markaana si dhaw indhaha loogu hayo cadaawada aan qarsashada lahayn ee dawladaas Xamar ula soo badheedhay bulshada Somaliland iyo dawladnimaadoodaba.” Sidaa ayaa lagu yidhi.