Golaha wakiillada Somaliland oo Meel-mariyey Xeerka Maamuuska Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Baarlamanka

Hargeysa (SLpost)- Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi ayaa maanta meel mariyey xeerka Maamuuska madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka.

Fadhiga Golaha ee maanta oo ay ka soo xaadireen 42 xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee Wakiillada, ayaa waa ansixinta xeerkaasi ogolaaday 32 mudane, waxaana diiday 5 mudane, halka 4 mudane ay ka aamuseen, gudoomiyahuna ma codaynin, waxaana sidaas ku ansaxay xeerka Hab-maamuuska madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka ee xeer No 62/2013.

Dhanka kale, mudanayashu waxay fadhi labaad oo ay soo xaadireen 44 mudane ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka Qareenada Somaliland.

golaha wakiilladaAnsixinta xeerka qareenada waxaa u codeeyey 21, mudane waxaa diiday 13 xildhibaan, waxaana ka aamusay 9 mudane, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay xeerka qareenada Somaliland xeer No 30/2004.

Somalilandpost.net/Hargeysa