Golaha Wakiillada Somaliland oo horjoogsaday Qorshe Xukuumaddu kula wareegaysay Maamulka Haamaha Shidaalka

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah isku hor-taagay mooshin xukuumaddu dabada ka riixaysay oo ay u gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii ay xukuumaddu ula wareegi lahayd gacan-ku-haynta maamulka Haamaha Shidaalka ee magaalada Berbera.

Mooshinka oo xambaarsanaa sidii golaha looga meel-marin lahaa in laga laabto ama la tirtiro heshiis ay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo maamulka Haamaha shidaalka gacanta ugu galisay shirkado gaar loo leeyahay, taas beddelkeedana dib loogu soo celin lahaa gacanta xukuumadda.

FAAHFAAHINTA WARKAN, KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE