Hargeysa (SLpost)- Golaha wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir-gudoominayey gudoomiye-ku- xigeenka kowaad Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa Goluhu waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka sir-doonka Qaranka, xeer No,59/2012.
Fadhiga saaka oo ay soo xaadireen 42-Mudane waxa ansixinta xeerkaasi Ogolaaday 34 mudane,waxaa diiday shan xil-dhibaan, waxa ka aamusay laba mudane, Gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaasina waxa ku ansaxay xeerka sirdoonka Qaranka JSLand xeer No, 59/2012.
Sida la og-yahay xeerka sirdoonka Qaranku wuxuu muddooyinkii u danbeeyey hor yaalay golaha wakiilada Somaliland, an-sixintiisuna waxay dhabbaha u xaadhaysaa, madax-banaanida hay’adda sir-doonka Qaranka.
SomalilandPost/Hargeysa