Golaha Wakiillada oo Meel-mariyey Xeerka Xabsiyada Somaliland oo laga rifay Awoodaha Wasiirka Cadaaladda

HARGEYSA (SLpost)- Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey eerka Xabsiyada Somaliland oo Golaha Guurtida Wax-ka-beddel iyo kaabis ku samaysay isla markaana meesha lagaga saaray awoodo dheeraad ah oo xeerkani siinayey Wasiirka Cadaaladda Md Xuseen Axmed Caydiid.

shir-guddonXeerkan oo markii hore golayaasha sharci-dejinta uga tagay wasiirka Cadaaladda oo ku darsaday qoddobo Awoodo dheeraad ah siinaya, balse awoodahaas badankooda waxa rifay Golaha Guurtida oo Xeerkan markii laaabaaaad kusoo celiyey Aqalka Wakiillada, iyada oo markii hore xeerku ka koobnaa 22 qodob ka hor intii aan guurtida loo gudbin, kuwaas oo ka hadlayey talaabooyinka ay qaadayaan Maamulka Xabsiyada iyo Taliyaha Asluubtu iyo inay kala-tashan karaan ama fulin karaan amarro uga yimaadda Wasiirka Cadaaladda.

Dhamaan qodobada Guurtidu beddeshay ayaa ku saabsan Awoodo Wasiirka Caddaaladdu ku lahaa Maamulka Xabsiyada, kuwaasi oo ku aaddanaa amarro ama talooyin taliyeyaasha Xabsiyada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubtu siinayaan ama ka qaadanayaan Wasiirka Caddaaladda, balse haatan lagu koobay in go’aamada iyo Tallooyinka la xidhiidha Xabsiyada ay leeyihiin isla markaana ay kala qaaataan Taliyeyaasha Xabsiyada, Hogaanka Xabsiyada iyo taliyaha Ciidanka Asluubtu.

Doorka Wasaaradda Caddaaladda ee Xabsiyadda ayaa lagu koobay, dejinta siyaasadda qaran ee Xabsiyada, Kormeerista iyo dabagalka Xaaladda Xabsiyada, u hawl-galida Dhaqaalaha Xabsiyada, tayaynta iyo kor-u-qaadista aqoonta taliyeyaasha, soo saarista Xeer-nidaamiyeyaasha iyo arrimo kale oo Maamulka Guud khuseeya, balse waxaa laga saaray awoodaha wasiirka ee hawlaha Maxaabiista iyo Xabsiyada.

Fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 47 Mudane, waxa xeerka ogolaaday 42 xildhibaan, waxa diiday 1 mudane halka Afar mudane oo kalena ka aamuseen, Guddoomiyuhuna ma codeyn, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerkan Xabsiga Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET