Golaha Wakiillada oo guda-galay naaqishaadda odoros-miisaaniyadeedka 2012 iyo wakhtiga wasiirka Maaliyaddu hor imanayo oo la muddeeyey

Hargeysa, 03 March, 2012 (SLpost)- Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa fadhigoodii Maanta waxaa loogu qaybiyay Odoroska Miisaniyada Qaranka ee Sannadkan 2012-ka kadib markii ay Golaha Wasiiradu soo ansixiyeen todobaadkii hore.

Fadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” isla markaana hadal kooban u jeediyay fadhigaasi ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in Maalinta Isniinta uu golaha hor iman doono Wasiirka Wasaarada Maaliyada si uu tafaasiil uga bixiyo odoroska Miisaaniyada 2012-ka .

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxaa kale oo uu u soo jeediyay Gudi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada in Mudo hal todobaad ah ku soo ururiyaan Warbixinta Miisaaniyada Si markaas kadib loo Gudo galo dooda Miisaaniyada.

Odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2012 ayaa dhan Lix boqol iyo Sagaal iyo Sodon Bilyan ,Sadex Boqol iyo Sagaal iyo Lixdan Malyuun,Laba boqol iyo Afartan Kun iyo Afar boqol iyo Todobaatan Shilling Somaliland ,taas oo u dhiganta lacag ku dhow 100 Malyan oo Dollar,isla markaana ka badan Miisaaniyaddii kal-hore 23.19%.

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net