Golaha Wakiillada oo Cod-aqlabiyad ah ku Ansixiyey Todobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee Cusub, kuwaas oo xilka kala wareegi doona Guddigii hore ee Doorashooyinka oo muddo xileedkoodu ku eedaa Bishii hore ee October 29-keedii.

Fadhigii maanta ee Golaha, ayaa mudaneyaasha golahaasi cod gacan-taag ah ugu codeeyeen todobada xubnood ee Guddiga doorashooyinka oo ansixintoodu tiraba dhow jeer dib u dhacday, ka dib markii khilaaf soo kala dhex-galay shir-guddoonka golahaas iyo mudaneyaasha oo u kala jabay mucaarad iyo muxaafad, balse markii dambe khilaafkooda lagu xaliyey go’aamo Golaha Guurtidu ku dhex-dhexaadiyey.

HALKAN KA DAAWO WARKAN