Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Wasiirro dhawaan madaxweynuhu magacaabay

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Lix Xubnood oo isugu jira Wasiiro,Wasiirul dawle iyo Wasiir ku Xigeen uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Fadhigan oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa waxa ka soo xaadiray 48 xildhibaan oo ka mid ah .

Ka hor intii aan la ansixin xubnahan ka tirsan golaha wasiirada somaliland ayaa waxaa taariikh nololeedkooda,khibradooda aqooneed iyo qoraalada raad raaca ee cadaynta u ah inaan Xukun Maxkamadeed ku dhicin ,golaha ka soo jeediyay xoghayaha guud ee Golaha wakiilada cabdirisaaq Siciid ayaanle, halka xubnaha la ansixiyeyna la siiyey muddo kooban oo ay qaab hawleedkooda ku soo bandhigayeen,waxaana mudanayaasha golaha wakiilada ay warbixin kaga siiyeen hawlaha wasaaradahooda,iyo balan qaadyo ku wajahan ka midho dhalinta Hay’adaha dawladeed ee ay qaranka uga Mas’uulka yihiin.

Markaas kadib waxay mudanayaasha Golaha Wakiiladu ay cod u qaadeen ansixinta Xubnaha Golaha Wasiirada kuwaas oo ku meel maray sidan:-

1.Wasiirka shaqada iyo arimaha Bulshada Axmed Maxamuud  Axmed Bare(Garaad) waxa ogolaaday inuu ahaado wasiirka wasaaradaas 45 mudane ,waxaana ka aamusay 2 mudane cid diidayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.

2. Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi galinta Md. Abiib Diiriye Nuur waxa ogolaaday 45 mudane,waxa ka aamusay laba mudane cid diidayna may jirin,gudoomiyuhuna muu codayn.

3 Wasiirka dhalinyarada,dhaqanka iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal waxa ogolaaday 45 mudane,waxa ka aamusay 2 mudane cid diidayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn..

4. Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) waxa ogolaadayy 43 mudane,waxa ka aamusay 4 mudane cid diidayna may jirin gudoomiyuhuna muuu codayn.

Wasiirul dawlaha nabadaynta gobolada Bare Kayse Cabdi Yuusuf waxa ogolaaday 42 mudane, waxa ka aamusay 5 mudane,cid diidayna may jirin,  gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid waxa ogolaaday 45 mudane,waxa ka aamusay 2 mudane,cid diidayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net