Golaha Wakiillada oo Ansixiyey in isku Mar la qabto Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada isku mar la wada qabto badhtamaha sannadka soo socda, waxaanay sidoo kale ansixiyeen Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha Somaliland oo Madaxweynuhu dhawaan u gudbiyey.

XILDHIBAANNADA GOLAHA WAKIILLADAFadhigii maanta  ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaa ka qayb-galay 66 Xildhibaan oo ka tirsan 82-ka Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanu Guddoomiyuhu furitaankii fadhigaas Mudanayaasha ku war-geliyey inay u codeeyaan in doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada mar la wada qabto iyo in wakhtiyo kala duwan la qabto.

Waxa kale oo uu Mudanayaasha ku war-geliyey in sidoo kale qodobka labaad ajandaha fadhiga maanta horyaallay yahay cod-u-qaadista Xeerka diiwaangelinnada Madaniga ah iyo Cod-bixiyeyaasha oo dooddooda Xildhibaannadu soo gebo-gabeeyeen Sabtidii todobaadkan. 64 Mudane ayaa oggolaaday in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada isku mar la wada qabto, halka uu hal Xildhibaan ka diiday, cid ka aammustay ma jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn.

Sidoo kale, waxay Xildhibaannadu u codeeyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo ay Mudanayaashu hore ugu kala aragti duwanaayeen, waxaana u codeeyey in la ansixiyo Xeerkan 64 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, cid ka aammustay ma jirin Guddoomiyuhuna ma codayn.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro oo ku dhawaaqay natiijada Codaynta Mudanayaasha Golaha Wakiilladu u qaadeen wada-qabashada doorashooyinka iyo Xeerka diiwaangelinnada, waxa uu sheegay inay labadaas qodob ee ay Xildhibaannadu u codeeyeen-ba sidaas ku ansaxeen.

Waxa kale oo uu Guddoomiye Cirro ka hadlay muhiimadda go’aanka Golaha Wakiilladu maanta meel-mariyey u leeyahay dalka iyo dadka Somaliland. “Goluhu wuxuu isku raacay in hal mar la wada qabto doorashada Madaxweynaha iyo ta Golaha Wakiillada si looga raysto dhaqaalihii faraha badnaa ee ku bixi jiray iyo in laga nasto in sannad walba doorasho dalka ka dhacdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Go’aankan Xildhibaannada Golaha Wakiilladu maanta ansixiyeen ee ah in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, ayaa haddii uu sidaas ku meel-maro oo aan Golayaasha kale ee arrintani khusaysaa soo celin ee ay iyaguna ku raacaan, waxay doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dhacaan badhtamaha 2015-ka noqon doonaan doorashooyinkii ugu horreeyey ee la mataaneeyo, isla markaana Somaliland hal mar laga wada qabto haddii ay sidaas u dhacdo.

SOMALILANDPOST.NET