Golaha Wakiillada oo Ansixiyey Guddiga Cadaaladda oo ay Isku Shaan-dheyn ku sameeyeen iyo Magaca Xubin ay diideen Ansixintiisa

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (ciro),  waxa ay Mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xubin ka mid ah Gudida cadaalada  iyaga oo xubin kalana dib u celiyay.

Fadhigan oo ay ku sugnaayeen 45 mudane ayaa waxa ay cod u qaadeen laba xubnood oo  loo soo xulay in ay ka mid noqdaan Gudidada cadaalada  sida uu dhigayo hor yimi  sida uu dhigayo sharciga xeer nidaamiayaha golaha wakiiladu,  waxaana fadhigaas xoghayaha guud ee golaha wakiiladu ka soo jeediyay  taariikh nolalaeedka waayo aragnimo iyo aqooneed  ee labada xubnood  oo kala aha Shariif Ibraahim Cumar iyo Cali Axmed Maygaag.

Golaha_Wakiilladda_SomalilandWaxa   mudayaashu  cod aqlabiyad ah oo dhan 45 mudane ku   ogolaadeen  Shariif Ibraahim Cumer in uu xubin ka ahaado gudida cadaalada  iyada oo aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay ,  gudoomiyuhuna  ma  codayn sidaana ay ku ansaxday xubinimadiisa gudida cadaalada .

Intaasi ka dib waxa ay mudanayaashu gudo galeen ansixinta Cali Axmed Maygaag oo ay u codeeyeen xubin nimadiisa gudida cadaalada 14mudane , islamrkaana ay ka  diideen 28 mudane  kana  aamuuseen 3 mudane iyadoo gudoomiyuhu aanu codayn sidaana  waxa uu ku  waayay  ka mid noqoshada gudida cadaalada , waxaana  xubintaas Goluhu dib ugu celiyay gudida garsoorka cadaalada iyo xuquuqul insaanka ee golaha wakiilada.

Dhinaca kale Boqor Axmed Iimaan Warsame oo ku hadlaayay afka beelaha la hayb sooco kana mid ahaa dadaweynaha  goob jooga ka ahaa fadhigaas  ayaa uga mahad celiyay golaha sida wanaagsan ee ay u tix galiyeen in ay xubin ku yeeshaan gudida garsoorka , islamarkaana ay soo nooleeyeen cadaaladii lagu yaqaanay Somaliland, waxaanu raali galin ka siiyay bulshada  Somaliland hadalo dhawaan ka soo  yeedhay qaar ka mida madax dhaqameedka beelaha Gabooye.

SOMALILANDPOST.NET