Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Ajandaha 33-aad Oo U Ku Jiro Xeerka Baananka Ganacsiga Iyo Kala Qayb-sanaantii Xildhibaanada

(SL.Post) Fadhi ay maanta yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo uu shirguddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baashe Maxamed Faarax, waxay Xildhibaanadu ansixiyeen Ajandaha 33-aad oo uu ku jiro Xeerka Ganacsiga Bangiyada oo ay Xildhibaanadu ku kala qaybsameen, waxaana fadhiga ka dhashay Buuq ay Mudanayaasha qaarkood ku diidanaayeen Xeerkan Baaanka Ganacsiga, halka Mudanayaasha qaarkoodna ay taageersanaayeen Xeerkan.

17203157_412302459116434_6178401782910549383_n

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax ayaa ku dhawaaqay codkan loo qaaday ansixinta Ajandaha Kala-fadhiga 33-aad,waxaana ogolaaday 26 xildhibaan , 11 mudane waa ay diiday , 5 xildhibaana waa ay ka aamuseen sidaas na waxaa ku ansaxay ajandaha kal fadhiga 33 aad ee golahaas oo uu ku jiro xeerka ganacsiga bangiyada caalamiga ahi.

Mudanayaasha ku kala aragti duwanaa Xeerkan Baananka Ganacsiga oo fadhiga ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sharaxay aragtiyada kala duwan ee ay ka qabaan xeerkan.

Xeerkan Baananka Ganacsiga ee hor-yaala Golaha Wakiillada ayaa waxa ka digay Culimada Somaliland, kuwaas oo ku tilmaamay inuu ka hor-imanyo Diinta Islaamka, waxaanay  ku tilmaameen inuu yahay Ribo.

 

Halkana ka daawo.

Somalilandpost.net