Golaha Wakiillada: Kal-fadhi Wasiirro lagu ansixinayey oo Kooram la’aan u baaqday iyo Xildhibaanno la Ganaaxay

 

Hargeysa (SLpost)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland oo loo ballansanaa in lagu ansixiyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa baaqday kaddib markii ay soo xaadiri tiradii xildhibaannada looga baahnaa inuu fadhigu ku furmo.

Wasiirrada loo ballansanaa in Goluhu maanta Ansixiyo ayaa kala ah Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye oo xilka wasaaraddaas hayey dhowrkii bilood ee u dambeeyey, kaddib markii laga dallacsiiyey Xilka Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu hayey muddo dhowr sanno ah.

Kalfadhiga maanta oo uu shir-guddoomineyey Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxa kale oo loo ballansanaa in lagu ansixiyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Taajir.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa halkaas ka xaadiriyey magacyada Saddex xildhibaan oo fadhiga maanta soo xaadiray balse markii dambe isaga baxay golaha, waxaanu halkaas ka sheegay anshax marin ah oo shir-guddoonku goluhu ku ganaaxay xildhibaannadaas.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose