Golaha Wakiiladda oo Ansixiyey raxan ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda


Hargeysa(SLpost) -Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta axsixiyey wasaaradii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland u magacaabay xilalka kala duwan.

Fadhiga maanta ee golaha  wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada md.Baashe Maxamed Faarax ayaa waxay mudanayaasha golaha wakiiladu cod ku meel mariyeen xubnaha wasiirada ah ee dhawaan la magacaabay.

Wasiirada ay maanta ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiiladu ayaa kala ah wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Cabdiraxmaan Yuusuf Duceel Boobe,wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geele,wasiir ku xigeenka Arimaha debada Mawliid Maxamuud,wasiir ku xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha Nuux Yuusuf Ducaale iyo ku xigeenka hay’adda shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi.

Ka hor inta aanay ansixin mudanayaasha golaha wakiiladu xubnahan ka tirsan golaha xukuumada ayaa waxa golaha hortiisa laga akhriyey CV-yada ay leeyihiin xubnahani.

Sidoo kale xubnahan ayaa waxa y golaha ka hor akhriyeen waxyaalaha ay  ka qaban doonaan wasaaradaha ay gacanta ku hayaan.

Ugu danbayntii mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa cod u qaaday ansixinta xubnahan ka tirsan golaha wasiirada waxaana golaha ka soo xaadir 42-ka mudane oo ka mida 82-ka mudane ee uu golaha wakiiladu ka kooban yahay, waxaanay codayntu  u dhacday sidan.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe waxa ogolaaday 41 mudane waxaana ka aamusay  1 mudane gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geele waxa ogolaaday 41 mudane  waxaana ka aamusay  1 mudane gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiir ku xigeenka arimaha debada Mawliid Maxamuud Ibraahin waxa ogolaaday 42 mudane cid diiday iyo cid ka amustayna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiir ku xigeenk a Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan waxa ogolaaday 41 mudane waxa ka aamusay 1 mudane gudoomiyuhuna muu codayn.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Nuux Yuusuf Ducaale waxa ogolaaday 42 mudane cid ka aamustay iyo cid diidayna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.

Gudoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi waxa  ogolaaday 42 mudane cid ka aamustay iyo cid diidayna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn.

Somaliland Post.com