Golaha Wakiilada Oo Fasax Galay,Gudoomiye Cirro Oo Aan Xafiiskiisa Soo Dhaafin iyo Waanwaanta Socota

 

Hargeysa(SLpost)-Golaha wakiilada ayaa galay fasax ilaa iida inagu soo foodka leh dabadeeda. Fadhigan maanta uu golahu yeeshay oo ahaa mid xasaasiyadiisa wata waxa aan gudaha fadhiga soo galin gudoomiye Cirro iyo ku xigeenkiisa Baashe oo shalay dagaal ku dhex maray fadhigii golahu lahaa, waxaana shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaas Cali Yuusuf oo isagu aan shalay dagaalkii dhacay ka qayb ahany.

Wararka ka soo baxaaya xarunta golaha wakiilada ayaa sheegay in gudoomiye Cirro iyo ku xigeenkiisa ay dagaalameen shalay Baashe uu mid kastaaba ku sugnaa xafiiskiisa xarunta wakiilada, isla markaasna la doonyo maalmaha golahu uu fasaxa yahay in la wada hadashiiyo si golaha laysugu soo laabto iyada oo xal loo helay dagaalkii golaha ka dhex dhacay.

Waxase wali taagan mooshinkii ay keeneen xildhibaanada xukuumadda taageera ee wareejinta haamaha shidaalka oo ay mucaaradkuna si weyn uga soo horjeedeen, waxaana muuqata in aan khilaafka shirgudaanka golaha wakiilada wax xal ah oo buuran laga gaadhayn inta  uu meesha yaalo mooshinkii gacan ka hadalka sababay.

12023184_904553736258990_249505177_n

Xildhibaan Qabiile oo fadhigaas kadib warbaahintu ay wax ka waydiisay xaalka golaha waxa uu si kooban u yidhi“Dharibaa dabka laga qaadaa oo la qaboojiyaa markaas golahu dharigaas kama liito waanna  qaboojinaynaa.”

Xildibaan Xuseen Maxamed Cige ayaa ayaa isaguna sidan u sheegay warbaahinta “Golahii waxa la yidhi ilaa inta iida ka horaysa halayara xidho, marka la soo noqdona halkaas ayaanu hawsha ka sii bilaabaynaa.”

Hadal haynta dagaalkii shalay dhex maray gudoomiye Cirro iyo ku xigeenkiisa Baashe ayaa noqday mid ku faaftay guud ahaan Somaliland, waxaana aad ku arkaysaa goobkasta oo dad isugu yimaado hadal ahaynta arintaas.

Hargeysa Somaliland

Somalilandpost