Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranku Waa Kii Badbaadin Lahaa Qarankan La Majaro Habaabiyey – W/Q: Mahad Cumar Siciid

Waan idin salaamayaa dhamaantiin, salaan ka dib . waxa aan marka hore soo dhawaynayaa GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA waxa aan leeyahay ilaahay ayaa idin waa fajiyey in aad wadanka ka badbaadisan kooxdan aan u tudhaynin dadka iyo dalkaba anaga oo og  sidii aad uga badbaadiseen cadawgii ku soo duulay Qaran madaxa banaan ee Somaliland una baahan in mar labaad kooxdan laga badbaadiyo Somaliland.

Waxa aan idin leeyahay GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKOOW  la idiinka baqi mayo in aad u mada majaro habaabisaan, waayo hadii aanu idinka baqayno Somaliland kamaydun badbaadiseen kaligii taliyahii Maxamed Siyaad Barre.  Ilaahay ayaa idin waa fajiyey xili uu wadanku marayo xaalad aad u daran oo u baahan in  laga badbaado madaxweyne xilikiisii gabay iyo kooxdan ku shaqaysanaysa siga, waxa aad aragteen in nidaamkii dawladnimo ee jiray  dhamaantiiba lagu soo koobay xukumada aan waxay qabnayso iyo siyaasadeeduba cadayn oo ka been sheegtay buugii weynaay ee qolada mirqaansani qoreen ee umada looga dhigay kitaab lagu hagi doono horumarka shanta sanad ee soo socoda.

Wadanka gole  guurti ayuu lahaa oo umadda dhex  dhexaad u ah waxa jiritaankooda sheegaya xeerkaynu dhiganay ee dastuurka la yidhaa. Waxa ay noqdeen gole gabay xilkoodii oo ku shaqaynaya waxa loo soo yeedhiyo iyaga oon marnaba ka damqanayn umadda ay matalayaan ee ay odayaasha u yihiin , waxa kale oo jiray gole wakiilo oo iyagana ummada reer Somaliland ee gobolada ku nooli soo doorteen, golahaasi waxa ay ahayd in ka shaqeeyaan ariimaha sharciyaga iyaga oo ka eegaya dhinaca rabitaanka umada iyo qarankaba, laakiin waxa ay noqdeen gole aan ka fikirayn ummada soo dooratay oo iyaguna iska fadhiya kuna fadhiya si sharci daro ah, waayo sharciga doorashadu waxa uu leeyahay waxa la doortay oo kaliya shan sanadood waxana ay marayaan imika sideed sanadood waan shari daro waxa soo saaraana waa sharci daro.

Dastuurka qaranku waxa uu sheegayaa dawladu waxa ay ka kooban tahay saddex gole.  golaha baarlamaanka,Golaha Xukuumada iyo Golaha cadaalada ama maxkamada sare,sadexdii gole ee uu jideeyey dastuurku waxa ay noqdeen hal gole oo ay u taliyaan dad aan la garaynin halka ay u soo mareen qarankan Somaliland,waxa uu nidaamkii dawladnimo noqday  kala dambayna la’aan,waxa ay noqotay dawlad ku dhisan qaraabo kiish. Dawladi marka ay sidaa noqotana waxa soo dhawaada burburkeedii ileen wax kala dambayn ahi majirtee. Intaa waxa dheer waliba iyada oo shacabkii la khiyaamaynayo oo halkii ay shalay ka dagaalamayeen maanta loo wado. Kooxdan xukunka joogta waxa aan leeyahay inta aad xoolaha umada aad ku dhamaynaysaan dad aad soo abaabusheen oo guulwadayaal ah umada wax u qabta oo ka daaya waji ku macaashkan aad hantidii ku burburinaysaan.

Gabagabada waxa aan leeyahay GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA waxa aad tihiin kuwii loo baahnaa in ay wadankan badbaadiyaan, waayo cida maanta joogtaa maah cid laxejeclo ka hayso umadan reer Somaliland waan la idin sugayee soo dhawaada.