Golaha Muslimiinta Kenya oo kasoo horjeestay sharciga la dagaalanka Argagaxisda ee ay Dawlada Kenya soo saartay


Nairobi (SLpost)- Golaha sare ee Muslimiinta dalka Kenya  ee loo yaqaano  SUPKEM ayaa ka soo hor jeestay biilka ka hortaga iyo la dagaalanka waxa loogu yeedho argagixisada oo ay si wayn u dhaliileen.

Majmaca sare ee SUPKEM ayaa waxa ay ku tilmaameen biilkan ka hortaga argagixisada in uu yahay mid midab takoor ah islamarkana lagu badhtilmaameedsanayo bulshada muslimiinta ah ee ku nool wadanka Kenya.

Gudoomiyaha Golaha Muslimiinta Wadanka Kenya ee SUPKEM  Sheikh Abdul Qafuur Al -Busaidi ayaa ku baaqay in biilkan ka hortaga argagixisada lafa gurid lagu sameeyo lagana saaro qodobo badan oo badhtilmaameedsanaya muslimiinta.

Sh. Abdul Qafuur ayaa sidoo kale ku baaqay in dhamaan dhinacyada ay khusayso biilkani ay ka wada qayb qaataan ka hor inta aan baarlamaanka loo gudbin islamarkaana faaf reeb lagu sameeyo.

Gudoomiyaha golaha Muslimiinta ee SUPKEM ayaa carabka ku adkeeyay in hadii biilkani lagu ansixiyo sida uu hada yahay uusan la tacaalayn caddaalad darada lagula kaco dadka looga shakiyo argagixisada.

Golaha sare ee muslimiinta dalka Kenya ayaa sidoo kale doonaya in baaritaan lagu sameeyo tacadiyadii horaan loogu gaystay qaar ka mid ah dad looga shakiyay in ay ku lug leeyihiin howlaha argagixisada.