Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland oo maanta kulan deg-degga ah isugu yimi, ayaa si adag uga hadlay xaalaad colaadeed ee ka soo cusboonaatay xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, kaddib markii isku-dhac dhexmaray ciidamada labada dhinac todobaadkan gudihiisa, waxaanay masuuliyadda colaaddaas ku eedeeyeen dowladda Soomaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo isagu socdaal ku jooga deegaannada maamul-goboleedkaas.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shirka ka hadlay, ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyey inuu colaad ka dhex-huriyo Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, waxaanu ku gooddiyey inaanay Somaliland cidna u daba fadhiisanayn ilaalinta iyo sugidda xuduudkeeda.
HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN
https://youtu.be/Xr6vJIZ52Mg