Golaha Guurtida Somaliland oo Kalfadhigooda 70aad Ku soo afmeeray Muran siyaasadeed ay Qayb ka yihiin, Fasaxna galay

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii ugu dambeeyey Kalfadhigii 70aad ee Golahaas, waxaana xildhibaannada loogu sheegay inay muddo laba bilood ah fasax galaan.

Fadhiga oo uu shir-gudoominayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu ku wargeliyey Xildhibaanada in bisha February ee sannadka soo socda la soo noqon doono, xilligaas oo uu furmi doono kalfadhiga 71aad ee golaha Guurtida.

“Waxaynu gaadhnay wakhtigii aynu golaha xidhi lahayn. Sanad barwaaqo weeyi, duufaanku inaga barwaaqo ayuu inoo ahaa, meelna dhibaato lagama soo sheegin, illaahay mahadii weeyaan, caanuhu malaha meelwalba waa yaaliin, meel waliba waa doog, dee soo arka reerihii, lasoo caano dhama ka warkeena. Hadii ilaahay ina gaadhsiiyo inagoo war hayna aynu kalfadhiga dambe halkan aynu furano oo aynu isugu nimaadno,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Saleebaan oo la hadlayey Xildhibaannada golaha Guurtida.

Isaga oo hadalkiisu sii watay, waxa uu yidhi, “Maanta bishu waa December 7, bisha February 7-deeda ayaa la soo noqonayaa, hadii alle yidhaahdo laba bilood oo gaw ah weeyi.”

Fasax ay galeen mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu taagan yahay khilaaf dhinaca siyaasadda ah oo ka dhashay go’aan uu goluhu dib ugu riixay xilliga doorashada Goleyaasha Baarlamaanka oo markii hore u muddeysnaa dhammaadka sannadka, kaddib markii ay muddo-kordhin laba sanno ah qalinka ugu duugeen Golaha Wakiillada, halka iyaguna muddo saddex sanno ah ku darsadeen.

Kalfadhiga 70aad ee Golaha Guurtida ee maanta soo xidhmay, ayaa u muuqda mid lagu soo af-meeray khilaaf siyaasadeed iska hor-keenay xisbiyada mucaaradku iyo xukuumadda talada haysa oo isku maan-dhaafsan arrimo sharci iyo kuwo siyaasadeed oo ku aroora Arrimaha Doorashooyinka.