Golaha Guurtida oo ku guulaystay Dejinta Xaraaraddii ka aloosanayd Wakiillada iyo Natiijada laga fili karo waan-waan ay ku Dhex-dhexaadinayaan

Hargeysa (SLpost)- Guddi iskeed is-xilqaantay oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu horkacayey Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) iyo Guddoomiyaha AKeedamiydda Nabada iyo Horumarinta ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa maanta ku guulaysatay inay demiyaan khilaaf siyaasadeed oo kala-qaybiyey mudaneyaasha Golaha Wakiillada.

Guddidan oo kulamo gooni-gooni ah la qaatay garabyada shir-guddoonka Wakiillada ee khilaafkoodu cirka shareeray loollan awoodeed ee Golahaas, ayaa ku qanciyey xildhibaannada Golaha wakiillada in muddo todoba maalmood ah fasax laga ahaado Kal-fadhiga golahaas, taas oo ay ku sababeeyey wakhti loo siiyo dhex-dhexaadin iyo wada-xaajood ay ka dhex-bilaabayaan dhinacyada is-haya.

dhex-dhexaadinErgada is-xilqaantay ee dhex-dhexaadinta ku dhex-gashay khilaafka Golaha wakiillada, ayaa si gooni-gooni ah ula kulmay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo labada guddoomiye ku-xigeen ee golahaas Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf. Ka dib kulamada ay Guddigu la yeesheen dhinacyada, shir-guddoonka Wakiillada, ayaa galay xarunta Golaha, iyada oo guddoomiye Cirro fadhiistay kursiga Guddoonka golaha halka labada guddoomiye ku-xigeennada ay mudaneyaasha Golaha dhex-fadhiisteen.

Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominaayey Guddoomiye Cabdiramxaan Maxamed  Cabdilaahi (Cirro) kana soo qayb-galeen xubno katirsan Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Akaadamiyada Nabada, iyo Martisharafkale oo aad utiro badan ayaa kadib markii Gudoomiyahu uu furay shirka waxaa uu golaha ku wargeliyey inay u ballansanaayeen mooshinadii ay xildhibaannada soo gudbiyeen, balse ay golaha ku sugan yihiin xubno sharaf leh oo codsadtay in kelmado kooban ay fadhiga golaha ka jeediyaan.

Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxaa uu talo iyo waano ku qotanta masuuliyada saaran mudanayaasha Baarlamaanka iyo xilka uu shacbigu u igmaday. Waxaanu halkaas ugu jeediyey xildhibaannada inay aanay mudnayn in khilaaf iyo is qabsi ay ku wejahaan xilka qaran ee ay umadda u hayaan.

Xaaji Cabdi-waraabe waxa uu sheegay saddexda shirguddoon ee golaha in ay gacmaha isku saareen kana aqbaleen in ay sidoodii hore isku ahaadaan, isagoo Xaajigu sheegay wixii dhinaca sharciga ku xidhan ay muddo todobaad ah ku dhammaystiri doonaan, waxaanu yidhi, “Arrinkan maanta jooga waa wax fudud waxaa isqoonsatey madaxdii, haddaanu gooni ula shir shirney golahay kala maarmi waayeen si uu goluhu ula maqlo oo ay la ogalaadaan, ilayn goluhu markii hore xumaa, ninba inbuu ku beermay arrinkiisii, qolaba inay toosantey bay iyada la ahayd, waxaanu ku nidhi ka daga oo isu tanaasula oo wada socda, waa naga ogalaadeen idinka golahana waxaanu idin ka doonaynaa labadii xaafadood ee aad u kala jabteen inaad mid noqotaan.”

Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu xildhibaanada Ka dalbaday in ay ku waafaqaan oo Kala shaqeeyaan xalka khilaafka, taasoo ay dhamaantood aqbaleen. “Waxaanu ugaranay saddexda nin ee walaalaha ahi inay mid ahaadaan, waa naga yeeleen, waxaa xiga wixii lafagura ama qaynuuna ee hoose, waynu u fadhisanaynaa waa dhamaynaynaa, golahuna inuu naga yeelo todaba cisho oo fasaxa inuu galo,” ayuu halkaas ka sheegay Xaaji Cabdikariim Xuseen.

Khilaafka sababay ismaan dhaafka ka dhex aloosmay golaha Wakiillada, ayaa ka soo bilaabmay wax-ka-beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadka Golahaas, kaas oo hoos u dhigay awooddii ay lahaayeen guddoomiye ku-xigeennada golahaas, isla markaana jidaynaya in guddoomiye ku-xigeennada xilalka lagaga xayuubin karo cod haldheeri ah oo u dhiganta 42 mudane, halka guddoomiyaha golaha wakiillada uu xeerkaasi u jeediyey inay xilka ka qaadi karaan 55 mudane, arrintani waxa ay aad uga cadhaysiiyey labada ku-xigeen oo ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisa, iyada oo xurguftu isu rogtay loollan siyaasadeed iyo mooshinno lagu dalbanayo in wax ka beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadkaas.

Lama oga natiijada ka soo bixi doonta dhex-dhexaadinta guddiga is-xilqaantay, haseyeeshee wararka hordhaca ah ee ku aroora bilowga dhex-dhexaadinta laga bilaabay dhinacyada is-haya, ayaa tibaaxay inay jirto tanaasulaad iyo dib loo furo xeer-hoosaadka muranka dhaliyey, isla markaana isku mid laga dhigo tirada codadka lagu ridi karo guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen, halka dhinaca ku-xigeennada lagu qanciyey inay ka tanaasulaan mooshinka xil ka qaadista ah ee guddoomiye Cirro.

SOMALILANDPOST.NET