Golaha Guurtida oo Guddi 29 Xubnood ah u xil-saaray Muddo-kordhinta Doorashada Golaha Wakiillada

 

Hargeysa (SLpost)- Fadhi uu maanta Yeeshay Golaha Guurtida Somaliland, ayaa lagaga Hadlay suurta-galnimada muddo-kordhin loo Sameeyo Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa todobaadkan Golaha Guurtida u gudbiyey qoraal uu kaga codsanayo muddo kordhin mar kale loo sameeyo Golaha Wakiillada si loo waafajiyo shuruucda dalka maadaama aanay suurto-gal ahayn qabsoomidda Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo hore loogu muddeeyey inay qabsoonto badhtamaha bisha December ee sannadkan.

Shir-guddoonka Golaha Guurtida oo ka jawaabaya dalabka uga yimi madaxweynaha, ayaa fadhigooda maanta waxa ay guddi ka soo talo-bixisa u magacaabay muddo-kordhinta oo sameynayo Doorashada Golaha Wakiillada.

Guddiga loo xil-saaray muddo kordhinta doorashada Golaha Wakiillada ayas ka kooban 29 xubnood oo isugu jira Xildhibaannada iyo shir-guddoonka Oo uu weheliyo Xoghayaha Golaha Guurtida.