Golaha Guurtida oo duuduub isku dhaafiyey Xeerka furashada Ururrada Siyaasadeed

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha golaha Guurtitda Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay ku ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyay Xeerka doorashooyinka oo oggolaanaya furashada ururrada cusub ee siyaasadda.

Fadhigaas shalay oo uu guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, waxa ka qaybgalay 53 Mudane oo ka tirsan 82-ka Xildhibaan ee aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliland ka kooban yahay.

Xeerkaas oo ay dhowaan wax-ka-beddelkiisa u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada oo ah aqalka hoose ee Baarlamaanka, isla markaana ay soo ansixiyeen, waxa ay maalmihii u dambeeyay dooddiisu ka socotay Golaha Guurtida.

Guddoomiye Furreh waxa uu gunaanadkii Mudaneyaasha u soo bandhigay soojeedin la xidhiidha in nuxurka dooddii Mudaneyaasha lagu daro wax-ka-beddelka xeerka iyo in si duuduub ah loogu ansixiyo sidii ay golaha Wakiilladu ku soo ansixiyeen.

Ka dib markii cod gacan-taag ah loo qaaday, waxa in duuduub lagu ansixiyo Xeerkaas oggolaaday 33 Mudane, 15 Mudane way diideen, halka 4 Mudanena ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu codaynin.

Sheekh Axmed Sheekh Nuux waxa uu sheegay in wax-ka-beddelka xeerka doorashooyinka Somaliland sidaa ku ansaxay, wuxaanu Mudaneyaasha ku wargeliyay fasax dhawr toddobaad ah oo ay galeen gole ahaan.
Xeerkan furashada ururada siyaasada ayaa loo gudbinaynayaa Madaxweynaha Somaliland si uu digreeto ugu soo saaro dhaqan galka xeerkan oo fasaxaya in dalka laga furan karo ururo siyaasadeed oo ka qeyb gala doorashada Goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haya.

Xeerkani waxa kale oo uu jidaynayaa in urur kasta laga qaado lacag deebaaji ah oo dhan 150 Milyan oo shilin oo la mid ah 20 kun oo Dolar.