Golaha Guurtida oo cod aqlabiyad ku ansixiyey Xeerar xaasaasi ah oo Golaha Wakiilladu u soo gubiyey

Hargeysa, 15 March, 2012 (SLpost)- Fadhigii maanta ee golaha Guurtida Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey sadex xeer oo kala ah: Xeerka nabadgelyada guud, Xeerka la dagaalanka Budhcad badeeda iyo xeerka is weydaarsiga  maxaabiista.

Fadhiga maanta oo uu shir gudoomiye ka ahaa Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna gudoomiye ku xigeenka 1aad Golahaasi Sh Axmed Sh Nuux Furre, isla markaana ay ka soo xaadireen 45 mudane ayaa waxay u ansixiyeen xeerarkaasi sidan .

Xeerka Nabadgelyada guud iyo Anshaxa, waxaa ogolaaday 42 Mudane, waxaa diiday 2 Mudane, gudoomiyuhuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerkaasi.

Sidoo kale Xeerka kala wareejinta maxaabiista waxaa ogolaaday 39 mudane, waxaa diiday 2 Mudane, waxaa ka aamusay 3 Mudane, Gudoomiyuhuna ma codayn xeerkaasina sidaasi ayuu ku ansaxmay.

Xeerka Budhcad badeeda  Xeer  No.52-2012 waxaa ogolaaday 43 Mudane waxaa diiday Hal Mudane, Gudoomiyuhuna ma codayn, sidaas ayaanu ku meel maray .

Gudi hoosaadyada golaha Guurtida ee loo xilsaaray ka soo baarandegga xeerarkan ayaa golaha hortiisa ka cadeeyey in Sadexdan Xeer ay ahmiyad u leeyihiin wadanka isla markaana ay daruuri tahay sidii loo ansixin lahaa  Somaliland:

Sadexdan Xeer ayaa waxaa dhawaan soo ansixiyay Golaha Wakiilada ee Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net