Golaha Guurtida oo Baajiyey Mooshin Guddoomiye Cirro Maamuuska lagaga xayuubinayey, Xildhibaanno la Xidh-xidhay iyo Jewigii Golaha ee Saaka

Hargeysa (SLpost)- Waxa Maanta oo Sabti ah dib loo dhigay Kalfadhigii 26aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo loo ballansanaa inuu furmo, ka dib markii golaha ka soo xaadireen xildhibaannada Muxaafadka ah ee Aqlabiyadda Golaha Wakiillad oo doonayey inay maamuus ka xayuubin ku sameeyeen Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Haseyeeshee, waxa baajinta fadhigaas sababay, ka dib markii ay ka soo xaadiri waayeen xildhibaannada muxaafadka ah ee Golaha iyo Guddoomiye Cirro iyo faro-gelin shir-guddoonka Golaha Guurtidu ugu gurmadeen in fadhigaasi furmo isl amarkaana uu hirgasho mooshinka xilka lagaga qaadayo Guddoomiye Cirro.

Shan iyo Afartan Xildhibaan oo ay ku jiraan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiillada ayaa saaka  soo xaadiray, sidaasna waxa ku buuxsamay kooramka Golaha.

guddoomiyeLaba Guddoomiye ku-xigeenka ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, ayaa saaka fadhiga Golaha Furay, haseyeeshee intii aanu goluhu furmin waxa gurmad ku soo galay Xubno ka tirsan Guurtida oo uu hoggaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadan oo mudaneyaasha ka dalbaday in muddo laba maalmood ah fadhiga dib loogu dhigo isla markaana la baajiyo.

Balse waxa golaha dhexdiisa ka bilaabmay buuq iyo sawaxan xildhibaannada muxaafadka ahi kaga soo horjeedeen soo-jeedinta Guddoomiye Saleebaan Gaal, haseyeeshee muddo ka dib, waxa ay shir-guddoonka golahaas aqbaleen in dib fadhiga Golaha dib loogu dhigo isla markaana laysugu yimaaddo maalinta Salaasada ee todobaadkan.

Jewigii Golaha iyo Xildibaanno la xidh-xidhay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo xildhibaannada taabacsan, ayaa dibadda ka joogay Golaha Wakiillada, iyaga oo ku doodayey inaanay galayn xarunta golaha oo ay sheegeen in xaasaanaddii laga qaaaday.

jjjjShan xildhibaan oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Mucaaradka ah, ayaa Ciidamada Ammaanku saaka xabsiga u taxaabeen, waxaanay immika ku xidhan yihiin xarunta CID-da Hargeysa, sida uu sheegay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdilaahi.

Xildhibaannada waxa ka mid ah Siciid Cilmi Rooble iyo Ibraahim Mahdi Buubaa oo lagu eedeeyey inay abaabulayeen mudaharaad lagaga soo horjeeday mooshinka iyo dhalinyaro ay ka soo abaabulayeen xaafadaha magaalada Hargeysa, iyada oo ciidamada boolisku shanta xildhibaan-ba meelo gooni-gooni ah ka soo qab-qabteen.

SOMALILANDPOS.NET