Golaha Deegaanka Hargeysa oo ku Gacan-saydhay Wareegto Wasiirka Hawlaha Guud kaga Xayiray ku-takri-falka Dhulka Danta Guud

Hargeysa (SLpost)- Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa iyo illaa Labaatan Xildhibaan oo ka tirsan 25-ka Mudane ee Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa gaashaanka ku dhuftay sharcinnimada Wareegto uu Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland Isniintii ku amray inaanay Maayerrada iyo Guddiyada dhulka ee Golayaasha Deegaanka dalku bixin karin, sharciyeyn karin, sife kalena u isticmaali karin Dhulka Danta guud ee Beeraha Muwaaddiniinta ee magaalooyinku gaadhaan laga jaro.

golaha (3)Hase-yeeshee, Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi  (Ina-Caga-weyne) iyo labaatan Xildhibaan oo Golaha Deegaanka ka tirsan, ayaa shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hoolka Shirarka ee xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, ku sheegay inay qayrul-sharci tahay Wareegtada Wasiirka Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed soo saaray, waxaanay sheegeen inaanu sharci ahayn amarka ay Wareegtadaasi xambaarsanayd ee ay faraysay dawladaha hoose

“Wasiirka Hawlaha guud waxa noo dhexeeya nidaam iyo sharci Dastuuri ah, sharcigu Wasiirkana wax buu siiyey, annagana wax buu na siiyey, waxaynu ku wadahadlaynaa waxa adigana dadka kaa sharfay ee kaa dhigay Wasiir, annagana dadka naga sharfay ee naga dhigay Xildhibaanno waa Sharci. Sharcigaasaa innoo dhaxeeya, sharcigaasaynu dadka ku maamulnaa, sharcigaas ayaynu dalka ku hoggaaminnaa.” Sidaa ayuu yidhi Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Caga-waeyne oo shirkaa jaraa’id ka hadlay.

Waxaanu Maayer Ku-xigeenka Caasimadda ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Waxaan halkan hambalyo u marinayaa Madaxweynaha Somaliland oo isaga Digreetadiisu tahay mid sharciga waafaqsan, hadday tahay Xeer No: 17. Haddaba, dul-saarkan uu dul-saaray Wasiirku dul-saaray ta Madaxweynaha ee uu yidhi waxaannu tix-raacnay Digreetada Madaxweynaha, waxaan Wasiirka leeyahay ta Madaxweynaha maad tixraacin, waxaanu Xeerkani dhigayaa dhulka Shacab-eeriya in Wasaaradda Hawlaha guud ay Wakiil uga tahay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, dhulkaa wixii ka reebbanna aannu annagu Wakiil uga nahay Gole-deegaannadu.”

“Laba Xeer baa jira oo kala ah Xeer 23 iyo 17 iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo isagu ah Hooyada Xeerarkan oo dhan ka dhaxaysa, waxa uu Dastuurka qodobbadiisa 1010-aad, 111-aad, 112-aad farqaddiisa saddexaad waxa ay dhigayaan in awoodahaa aad nagu haysato oo dhan aannu annagu leenahay. Halka Xeer No: 17, qodobbadiisa 4-aad, 5-aad, 8-aad, 31-aad iyo 68-aad intuba ay sheegayaan awoodahaas inaannu leenahay.” Sidaa ayuu yidhi Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Caga-weyne).

“Waxaannu nahay Gole la doortay oo dadku Bacad u taagnaa oo ay codkooda siiyeen, mar walbana ku shaqaynaya Shuruucda dalka u taalla ee Baarlamaanka Somaliland ansixiyey. Haddaba, siday Xildhibaannadu wada sheegeen haddii Xeer 23 iyo 17-ba ay meesha ka baxeen, waxaannu diyaar u nahay annaguna inaannu ku garab-istaagno. Laakiin, dalku Shuruuc buu leeyahay Wasiir ee waxaannu kaa codsanaynaa inaad shuruucda dhawrto, annaguna waxaannu ballan-qaadaynaa Gole deegaan ahaan inaannu dhawrno.”

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa ee shirkaa jaraa’d ka hadlay, ayaa sheegay inay khadyaan ka taagan yihiin Wasiirka hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland, isla markaana ku eedeeyey inaanu Wasiirku u hoggaansamin Wareegtooyinka ka soo baxa Madaxweynaha, waxaanu Xildhibaan Shahar oo ka hadlayaa yidhi; “Waxaannu khatyaan ka taagannahay Wasiirkan Wasaaradda hawlaha guud Wareegtooyinka Xafiiskiisa ka soo baxaya, tan oo keliya maaha ee illaa dhawr iyo toban Wareegto oo Wasiirka Xafiiskiisa ka soo baxay oo ka hadlaya dhul uu bixinayo oo eeriya-shacab ah oo aanu Madaxweynihii Qarankan maamulayey-na ogeyn, runii waannu soo bandhigi doonnaa Wareegtooyinka Faraha badan ee aannu hayno.”

“Isaga laftiisa (Wasiirka Hawlaha guud) ayaan aqoonsanayn oo aan ku dhaqmin Wareegtooyinka Madaxweynaha ka soo baxaya. Waxaannu leenahay Wasiirka Xukuumadda aad ka midka tahay ciddii ugu Maamuuska sarraysay Qarankan waa oo Madaxweynaha ah Wareegtooyinkiisa waa inaad xaq-dhawrtaa oo aqbashaa adoon meel kale u sii dhaafin, Dhawr iyo toban Guri baannu haynaa oo dhismay oo immikadan qaar dhismayaan oo eeriya-shacab ku yaalla, waxaas oo dhamina cidday ka soo fulaan waa Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka. Wasiir Dhulkii ilaalintiisa iyo daryeelkiisa adiga laguu xil-saaray baad adigu baylihisaye maba tihiin kii ka hadli lahaan dhul kale oo aanad shaqaba ku lahayn.” Sidaa ayuu yidih Xildhibaan Xasan-Shahar.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo isaguna shir-Saxaafadeedkaas Mudanayaasha Golaha Deegaanku Hargeysa qabteen maanta ka hadlay, ayaa sharraxay qodobbada Sharci ee awoodaha u kala xadaynaya Hawlaha guud iyo dawladaha hoose, waxaanu yidhi; “Xeer No: 17. Qodobkiisa 1.aad, farqadiisa koobaad, wuxuu dhigayaa. .Jagooyinka dhisme ee magaalooyinka iyo degmooyinka Jamhuurriyadda Somaliland waxaa iska leh Maamulkiisa Dawladaha hoose ee dalka(Guddiga Fulinta Dawladaha Hoose). Qodobka 9.aad,farqadiisa labaad. Jago kasta oo leh Isticmaal rasmi ah waxaa lagu bixinayaa go,aan guddi fulineed ee dawladaha hoose, iyagoo adeegsanaya xafiiska qorshaynta dawladda hoose.”

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Qodobka 14.Farqadiisa 1.aad. Maamulka Dawladda Hoose iyagoo dhawraya sharcigan iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla wuxuu awood u leeyahay inuu siiyo dhul qof kasta oo muwaadin ah,shirkad, urur waddani ah iyo hay’adaha kale ee Dawladda. Haddaba, Wasiirku Wareegtada uu soo saaray ee khilaafsan dhammaan shuruucda dalka iyo reerarka lagu dhaqayo dhulka oo dhan, waxay ahayd Wasiirka Hawlaha guud hadduu dhul doonayo inuu toos noo weydiisto ee inuu digreeto indho la’aan ah iska soo qoro may ahayn.”

golaha (1)Waxa iyaguna Shirkaa jaraa’id hadallo ka jeediyey Xildhibaanno tiro badan oo ka tirsan Golaha Deegaanka, kuwaasoo dhammaantood sheegay inaanay sharciga waafaqsanayn Wareegtada uu Isniintii soo saaray Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland, iyaga oo dhammaan Wasiirka ugu baaqay inuu Sharciga iyo Xeerarka kala duwan ee dalka u yaalla ee arrimaha dhulka iyo maamulkooda kkuseeya ku dhaqmo, isla markaana kala garto awoodaha sharcigu isaga siiyey iyo awoodaha uu dawladaha hoose iyo Masuuliyiintooda siiyey oo ay xuseen inaanay ahayn wax mugdi iyo madmadaw toona geli kara haddii aan la gelin.

SOMALILANDPOST.NET